Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Cismaan Cabdi Sheekh Muxumed, ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay inuu Dalka Hoggaamiyo Shanta Sannadood ee soo socda Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.
Wasiir Cismaan oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sidoo kalena ka warramay ahmiyadda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu u leedahay Dalka.
Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Anigoo Matalaya Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Shaqaalaha Xarunta dhexe iyo kuwa Gobolladaba, waxa ii Sharaf ah inaan Hambalyo u dirayo Madaxweynaha cusub ee la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici. Waxaan ugu ducaynayaa in Alle xilkaa loo doortay ku asturo, Cimri iyo Caafimaadkana siyaadiyo.”
Wasiirka Shaqadu wuxuu u Mahad-naqay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo Xilkiisu dhamaanayo “Waxa kale oo aan Mahad-naqayaa Madaxweynaha Xilka haya ee Anigana I Magacaabay Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo Xukuumaddiisu ku tilmaanayd Dawladdii Horumarka, waxaanuna rajeynaynaa in Dawladda cusub ay halkaa horumarka ka sii siyaadiso.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan jecelahay inaan xuso in Wasaaraddani Xundhur u tahay Horumarinta Shaqaalaha iyo arrimaha Bulshada, waxayna haysaa hawlo muhiim u ah Bulshada, waxaanuna rejaynaynaa in Dawladda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu tallaabooyin horumar ah qaadi doono.”