“Waad I Xasuusan Doontan Oo Aad Iigu Bogi Doontan Wixii Aan Idiin Qabtay,” Robert Mugabe

0
714

Reer Simbabwiyow maalmahan dhulkan dul joogay way tirsanaayeen laakiin, waxaan ogahay in idinka iyo ubadkiinuba I xasuusan doontan oo aydaan waligiin I ilaabi doonin.waxaan doonaya in aan idin fahansiiyo sababta aan muddo dheer xilka u joogay oo 36 sanno ah. Sababtu waxa weeye in aan awoodsiiyo dadka Madaw ee Simbabwi. Ma jiro madaxweyne kale guud ahaan qaaradda Afrika oo inta aan idiin sameeyay u sameeyay dadkiisa.

Ma ogtihiin guud ahaan Afrika, in reer Simbabwi yihiin dadka kaliya ee madaw ee dhulkooda leh? Waxaynu nahay madawga kaliya ee dhulkiisa leh ee wax kala soo baxa. Waxaynu leenahay shirkaddaheena, waxaynu leenahay dhulkeena. Taasi waa macnaha dhabta ah ee madax bannaanida, Madax bannaanida siyaasaddeed iyo dhaqaale.

Dhammaan noloshayda siyaasadeed waxaan ilkaha iyo ciddiyaha ugu dagaallamay in aan xaqiijiyo in aad labadaas heshaan; Madax bannaani siyaasadeed iyo dhaqaale. Ma necbi dadka caddaanka ah, maya, maya gabi ahaanba. Waxa aan necebahay waxa weeye fikirkooda ah in ay inaga fiican yihiin, taas oo inta ay iska yimaaddaan dhulkeena iska qaadan karaan khayraadkeena iyo dhulkeena, Sidoo kalena ay inoo sheegaan waxaynu qabanayno. Taas waxaan idhi maya. Maanta waxaan ku faraxsanahay in dhammaan dhulku ku jiro gacmaha madawga.

Idinka ayay idin khusaysa in aad isticmaashan tacliinta aan idin siiyay si aad dhulkiina u horumarisaan oo wax ula soo baxdaan si aad lafihiina u quudisaan. Hal shay oo aan si wayn ugu faraxsanahay waxa weeye in aan si adag uga shaqeeyay dhulkeena iyo khayraadkeena oo aan mulkiileyaashii xaqa ahaa dib u siiyay. Kuwaas oo ah dadka madow ee Simbabwi.

Bal tag dalalka kale ee Afrika. South Afrika Mandela wuu iibiyay oo dhulkii iyo dhaqaalihii wuxuu siiyay dad caddaan ah. Dadka Madow ee Koonfur Afrika waligood waxay addoomo u ahaanayaan caddaanka. Inta aanay mulkiyadda dhulku ku jirin mulkiileyaasha xaqa u leh, Afrikaanka, dadka madow waxa sii soconaysa in ay dhulkooda ku dhibaataysnaadaan.

Maaliyadda rasmiga ah hadda gacmihiina ayay ku jirta. Waan la lagdamay ama u halgamay si aan uga qaado dadka caddaanka ah ee inta ay yimaaddeen idinka xaday. Haa, dunidu way ii cadhaysan tahay, waxay ciqaabeen ama ganaaxeen dhammaan dalkayga iyaga oo cunaqabateeyay, laakiin, ma daneeyo waayo waxaan ogahay in aan qabanayay wax sax ah. Waxaan awood siinayay dadkayga oo idinka ah.

Xannaanaysta dhulka iyo warshadaha aan idiin hayay.

Waan qabtay qaybtayda, Kubaddu hadda gacantiinay ku jirta. Qabta qaybtiina.

Waad I xasuusan doontan oo aad ii bogi doontaan wixii aan qabanayay marka aan tago.

Hoggaamiyihiina iyo Madaxweynihiina

Afrika Afrikaan baa leh

Robert Gabriel Mugabe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here