Komishanka Doorashooyinka Oo Natiijadii Ay Soo Saareen U Gudbiyey Maxkamada Sare Ee Dalka Iyo Maxkamada Sare Oo Cabasho La,aan Ugu Dhawaaqaysa Madaxweynaha La Doortay

0
762

Guddida komiishanka doorasooyinka qaranka Somaliland ayaa natiijadii hordhaca aheyd ee doorashada madaxtooyada u gudbiyay maxkamada sare ee dalka Somaliland, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha maxkamada sare ee somalialnd Adan Xaaji Cali.

Sida uu sharcigu dhigaayo muddo todobaad ah oo ka bilaamata maalintii lagu dhawaaqey natiijada hordhaca ah ee doorashada ayaa wixii cabasho ah ee ku sahabsan natiijadaasi loo gudbin karaa maxkamada sare ee Somaliland si ay u eegto go’aana uga gaadho cabashooyinkaa.

 Sidoo kale maxkamada sare ee dalka somalialand ayaa muddo todobaad gudihiis ah ku dhawaaqeysa natiijada rasmiga ah ee doorashada madaxtooyada Somaliland taas oo noqoneysa natiijada dhaqan gal ka ah, salaadasii todobaadkii tagay ayay guddida komiishanka doorashooyinka Somaliland shaaciyeen in natiijada hordhaca ah ay ku guuleysteen murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici.

Si kastaba xaalku ha ahaadee 14-ka bisha december ayaa la filayaa in si rasmi ah xilka madaxweynenimo ee Somaliland loogu dhaariyo madaxweynaha shacabku ay codka aqlabiyada ah ku doorteen ee muuse biixi cabdi, taas oo qabanqaabada munaasibada siweyn looga dareemayo magaalada hargeysa, waxaana sidoo kale shacabka Somaliland hadal hayn badan ka bixinayaan xukuumadda cusub ee uu soo dhixi doono mudane muuse biixi cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here