Aadan Ciise Maxamed Oo Ka Mid Ahaa Guddidii Olollaha Xisbiga KULMIYE Ee Toghdeer Oo Ka Hadlay Caqabadii Ugu Cuslayd Ee Maalintii Codeynta Soo Wajahdey Xisbiga KULMIYE

0
768

Aadan Ciise Maxamed oo ka mid ah xubnihii guddida olollaha xisbiga KULMIYE u qaabilsanaa gobolka togdheer ayaa diiradda saaray isla markaana badka kenay caqabadihii dariska la noqdey maalintii codbixinta wuxuuna carabka ku adkeeyey in xagaldaac ka muuqdey muraaqibiinta xisbiga KULMIYE kuwaas oo uu ku tilmaamay qaar aan ku tababarneyn hawsha ay qabanayaan fahan badana ka haysan.

”kulmiye dagaal iyo halgan dheer oo aan hagrasho lahayn buu galay anigoo guddidii kaambaynka togdheer ka mid ahna waxaanu dhexda u xidhanay inaanu xisbigayaga soo saarno oo guusha madaxtooyada iyo murrashaxa aanu dhisaynay ka midha dhalino marka hawli  socotona caqabado badan baa kaa hor imanaya waanuse ka sii gaashaamanay inay noqdaan kuwo aad u yar balse caqabada ugu weyn ee naga hortimi waxay ahayd  aniguna aan u arko inay xagaldaac ahayd muraaqibiinta xisbiga kulmiye ee goboladu waxay ahaayeen kuwo daciif ah gaar aan kuwa togdheer waxay ahaayeen kuwo aan u diyaarsanayn shaqada ay qabanayaan ama fahan badan ka haysan aqoonta shaqadooduna ka hoosayso hawsha ay u igman yihiin ee ay gacanta ku hayaan”

Aadan Ciise Maxamed isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka hadlay dhanka tababarada muraaqibiinta KULMIYE wuxuuna carabka ku adkeeyey in dal-daloolooyin badani ka jireen dhanka soo xulashada isagoona ku fasiray inaaney helin tababaro ku filan oo ay ku adeegaan hawsha ay qabanayaan wuxuuna yidhi” dhanka tababarada may helin tababar ku filanoo ay ku dabraan culayska hawsha ay xisbiga u hayaan halka imika xisbiga WADDANI soo xushay muraaqibiin dhisan oo ganacsato iyo aqoon yahan leh oo cidiyaha ku dagaalamaya waxaad arkaysay meelaha qaar oo laga xoog roon yahay muraaqibiinta kulmiye oo kuwa xisbiga waddani kaga fir-fircoon yihiin goobta imika oo kale goobta ay kuwada qoran yihiin muraaqibiinta saddexda xisbi qaran waxaad arkaysey ninka ama gabadha xisbiga WADDANI ugu qoran oo haddii qofweyn oo aan garaneyn sida loo calaamadiyo una baahan in la tuso ama loo calaamadiyo xisbiga uu doonayo waxaad arkaysaa muraaqibka xisbiga WADDANI oo ka horkacaya ama meesha uga dhaq-dhaqaaq badan taasi waxay xitaa dhaxalsiisay in muraaqibka xisbiga KULMIYE aanu lahayn awood uu iskaga difaaco ama kula hadlo maadama uu yahay qof yar halka ka xisbiga waddani u joogaa ahaa qof ganacsato ah ama qof ka Koran kan kulmiye markaan lee yahay ka Koran waxaan uga socdaa ka fahansan hawlaha meesha ka socota oo fahansan ujeedka uu meesha u yimi kaas oo ku dagaalamayey codkooda iyo sidii uu uwiiqi lahaa codka xisbiyda kale markaa anigoo xogogaal u ahaa xaalada codeynta iyo codbixiyaha togdheer iyo guud ahaan xisbiga KULMIYE waxaan qabaa in caqabadii koobaad ee  soo wajahdey xisbiga  ay tahay xaalada muraaqibiintii kulmiye oo aan dhisnayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here