Xildhibaan Bidhi Shamacii Shiday Guushii KULMIYE Ee Togdheer Iyo Tiradda Siyaasiyiinta uu Afka Cida U Daray

0
727

Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ah xubinta ugu magaca wayn dolaha Degaanka Burco , ahna ninka ugu dhaq dhaqaaqa badan xubnihii danta shacabka loo doortay ee Dawladda Hoose ayaa sidoo kale noqday xubintii ugu wacdaraha iyo ololaha badnayd guddidii xisbiga Kulmiye u magacaabay Ololaha Gobolka Togdheer ee doorashadii madaxtooyada ee waddanka ka qabsoontay 13kii bishan. Xildhibaan Bidhi waxa uu ka hilaacay oo uu tuulo tuulo u istaagay guud ahaan Degaannada hoos yimaada gobolka Togdheer isaga oo madaxdii mucaaradka Waddani kula hirdamay codka gobolka Togdheer iyo sidii uu Kulmiye ugu soo bixi lahaa hoggaanka dalka Xildhibaanku waxa uu ahaa kaadirkii xisbiga WADDANI muquunin kari waayay. Waxaanu ka shaqeeyay in taageerayaasha ugu badan uu u soo saaro xisbal-xaakimka 21-kii maalmood ee ololuhu socday. Waxaanu hadh iyo habeen ka shaqeynayay mowjadihii taageerayaasha ahaa ee ku qarqiyay xisbiga WADDANI degaamada gobolka Togdheer. Qiimayn kaadirka xisbigu ku sameeyeen xarakaadkii ololaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer muddadii ololuhu socday, waxaa koobka qaaday Xildhibaan Mubaarig Bidhi, waxaanu ahaa maddaalihii asturayay hawshii guddida loo diray oo dhan. Wuxuu u babac dhigay isla markaana gobolka Togdheer kaga itaal roonaaday xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxaanu bulshada reer Burco gaadhsiiyay oo ka dhaadhiciyay inay aaminanaan kalsoonida ay ku qabaan xisbiga KULMIYE oo ALLE ku guuleeyay inuu si aqlabiyad ah ugu guulaysto doorashadii madaxtinimada oo helay in ka badan 55% codadkii laga dhiibtay doorashada. Xildhibaan Mubaarig Bidhi waxaa ALLE u rumeeyay dedaalkii iyo hamigiisii ahaa in madaxweynaha shanaad ee Somaliland uu noqdo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here