Hoteladda Hagreysa Oo La Ciir-Ciiraya Xil-sugayaal Rajo Ka Qaba Madaxweynaha La Doortay Iyo Masuuliyiintii Weheshanayey Ardaaga Xukuumadda Oo Wadnaha Farta Ku Haya

0
712

Hotelada ku yaala caasimada hargeysa ayaa waxaa buux dhaafiyey oo ay la ciir-ciirayaan xil-sugayaal tirro badan oo durba rajo ka qaba in madaxweynaha la doortay xilal u magacaabo kuwaas oo ka kala yimi dalka dibadiisa iyo gobolada qaar waxaaney quud daraynayaan inay ka dhex muuqdaan tareenka xukuumadda cusub ee Madaxweynaha La Doortay Muddane Muuse Biixi Cabdi dhaqaajinayo, rajo qabayaashan ayaa  u kala baxay laba nooc oo kala ah mid olollihii ka shaqeeyey oo ciwad-celin doonaya iyo mid odey dhaqameed la shaqeeyey xisbiga kulmiye wakhtigii xarbidka ee olollihii guusha kulmiye dhaliyey oo salka ku haya kuwaas oo doonaya in madaxweynaha la doortay uga sad buriyo dadka kale maadaama ay dhexda u xidheen sidii uu usoo bixi lahaa Muuse Biixi Cabdi halka xulufada iyagu qurbo joogta ahi ay xil ku doonayaan durbaano ay ka tumayeen dalalka dibadiisa  kuwaas oo iyagu aaminsan inay doorweyn ka qaateen in xisbiga kulmiye garab u ahaayeen, hotelada hargeysa oo iyagu badi shaqadoodu aan xawli ahayn ayaa la kala waayey meel la jiibsado iyadoo cidhiidhi noqotay hoteladii laga cun taynayey waxaana  marka aad weydiiso ama aad dadka ku sugan la sheekaysato kuu sheegayaan in uu yahay xilsuge quud daraynaya in madaxweynaha la doortay xil u magacaabo. Waxaa iyanuna xaalkoodu galay laba daran mid dooro masuuliyiintii xilalka kala duwan ka haysay xukuumadda madaxweyne siilaanyo cee cimrigeedii dhamaadey kuwaas oo aaminsan inay dhiseen ama la soo shaqeeyeen madaxweynaha la doortay isuna bar-barinaya inay ku guuleysteen in ay kursiga saaraan balse waxaana jira xubno aan shaqayn oo iyagu ay sahayan doonto miishaarta Muuse Biixi maadaama uu xogogaal u yahay xubnihii la soo shaqeeyey iyo kuwa aan la soo shaqayn ee xayndaabka xisbiga wareegayey, waxaana mid waliba dhankiisa qabaa rajo ciwad-celin iyo abaal gud ah oo ay ka qabaan Madaxweynaha dhaartu u hadhsan tahay waxaase ay hungo ka joogaan inay mar kale soo fuulaan tareenka cusub ee dhawaan la dhaqaajin doono, balse xubnaha u dhuun daloola madaxweynaha la doortay ayaa ku fasira inuu yahay shaqsi go,aan adag balse yaqaana ragga la shaqeeyey ee aan halgankiisa hagran iyo ninka dhoola ka qosalka xulufada kula haa waxaana isha lagu hayaa nooca xukuumadda uu soo dhisi doono iyadoo lagu tilmaamay inay noqonayso xukuuumad ka kooban tii madaxweynaha uu xilka kala wareegayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here