Warbaahintii Ugu Badnayd Ee Caalamiya Oo Tebisay Doorashada Madaxtooyada Somaliland

0
892

Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Natiijadeeda lagu dhawaaqay Shalay, ayaa waxa si weyn u qaadaa-dhigay Warbaahinta Caalamiga ah ee Adduunka.

Wargeysyo laga leeyahay Dalalka Reer Galbeed, sida Yurub, Maraykanka, Hindiya iyo meelo kale oo badan ayaa wax ka qoray Natiijada Doorashada Madaxtooyada ee uu ku guuleystay Musharraxii Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Warbaahinta Caalamiga ah ee wax ka qortay Doorashada iyo Natiijadeeda ee Wargeyska Himilo soo xiganayo waxa ka mid ah Jariiradda Caalamiga Lemon.

Lemon, ayaa si gaar ah u dul istaagtay sidii ay u dhacday Codbixintii Doorashada Madaxtooyadu, iyadoo muujisay siday Shacabka Somaliland uga qayb-qaateen.

Jariiraddu waxay War-bixinteeda hablo Da’yar oo Kuyuu ugu jira goob Cod-bixineed, waxayna si gaar ah gabadh 16 Jir ah.

Lemon, ayaa war-bixinteeda oo Wargeyska Himilo Af Soomaali u rogay waxay ku bilaabmaysaa sidan:- Marwa, waa gabadh  jirtay 16 sannadood oo ka mida 26-kii sannadood ee ay Jirtay Jamhuuriyadda Somaliland ee aan wali la aqoonsani. Waxay soo kacday hiirtii waabari, iyadaana ugu horraysa dadka taagan safka, oo ahayd goob codbixineed oo u dhaw warshadda furinka samaysa. Meeshu kama foga dugsiga sare ee ay dhigato, waxaanay la taagantahay gabdho la fil ah oo asxaabteeda ah, xilligaasi oo ay dadka kusoo qul-qulaya goobtu isasoo tarayaan, safkuna uu marba marka ka dambaysa ayuu u sii durkayaa xaggay dadku imanayaan. Laydh qabaw ayaa dhacaysa, markaas uun baanay cadceedda lafteedu soo toostay oo ay madax la soo kacday.  Dumarka oo uu ka muuqdo raadkii hurdada ayaa si gooniya oo bilaa hadal ah, middiba mid isu daba taagaysaa.

Marwo ayaa markii aan xaggeega u soo dhaqaaqay, dareentay in aan u soo jeedo. Waxay haggaajisatay xijaabkii ay xidhnayd, oo ay kusoo durkisay wejigeeda. Intay dhoolla caddeyntu dibnaheedu durkisay,ayay ii sheegtay inay Markii ugu horreysay nolosheeda codaynayso, oo ay maanta tahay da’deedu 16 jir. Waxay Marwo doonaysaa, inay noqoto Looyarad, halka ay Fartuun jeceshahay inay noqoto dhakhtarad caafimaad, Nafiisina Macallimad”

Markii aan wareystay gabdhahani waxay ii sheegeen inay adag tahay in laba jeer la codeeyo doorashadan, oo kaadhadhkan ay ku codaynayaan lagu siiyay, markii laga qaaday sawir  bu’da indhahooga, sidaasina ay ku adag tahay inuu qofku laba jeer isku diiwaangaliyo si uu u codeeyo.

Sidoo kale, Shabakadda US NEWS ayaa ka warrantay doorashada Madaxtooyada, waxayna si gaar ah uga hadashay Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi, waxayna War-bixinteeda ku bilowday. Dooddii la qabtay Toddobaadkii ugu dambeeyay ee ka hadhsanaa doorashada wuxuu Muuse Biixi sheegay in uu kor u qaadi doono doorka ay dumarka ku leeyihiin talada dalka, sidii kalena uu dib u soo celin doono wixii la odhan jirey shaqo qaran. Waxay sidoo xigatay warbixintii ay diyaariyeen Goob-joogeyaashii caalamiga ahaa ee ayaa tidhi, “waxay doorashadani koobsatay hannaankii doorasho wanaagsani lahaan lahayd”

Shabkadda Fox News ee dalka Maraykanka laga leeyahay ayaana ka warrantay sidii ay reer Somaliland ku qaabileen natiijada Doorashadii Dalka ka dhacday 13-kii Bishan November, 2017-ka.

Shabakaddu waxay sheegtay in Magaalada Hargaysa markii lagu dhawaaqay natiijada Codbixintii doorashada Madaxtooyada. waxaanay ka hadashay qaabka farsamo ahaan loo maamulay codbixintan iyo goobjoogayaasha caalamiga ah ee kasoo qaybgalay, waxaanay u dhigtay qoraalkeeda sidan:- Doorashada Madaxtooyadu waxay farsamo  ahaan ka duwanayd kuwii hore, oo lagu la adeegsaday hannaanka diiwaangalinta ee qofka lagu xaqiijiyo bu’da ishiisa, si looga hortago in codbixinta lagu noq-noqdo. Doorashadaasi sidoo kale waxa ka qayb-galay 60 goobjooge oo ka kala yimid 27 dal, kuwaasi oo ay kharashkooga qabtay Boqortooyada Ingiriisku.

Warbaahinta Caalamiga ah ee ka hadashay Doorashadan ayaa waxa ka mid ah Wakaaladaha Wararka ee Reuters, AFP, AP, Wargeyska New York Times, Bloomberg, Daily Mail iyo kuwo kale oo badan, taasi oo muujinaysa in Adduunku isha ku hayey Doorashada Madaxtooyada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here