Murrashaxiintii Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Natiijada Doorashada Ku Qaabilay TU-SAN & Tudhaale

0
834

Musharraxiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Natiijada Doorashada Madaxtooyada oo Shalay lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay Muuse Biixi Cabdi oo u tartamayey Xisbul-xaakimka KULMIYE.

Musharrixii Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo markii Komiishanka Doorashooyinku shaaciyey in Doorashadii Dalka ka dhacday 13-kii bishan November uu ku guuleystay Muuse Biixi Cabdi oo u tartamayey Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Xisbi ahaan isla-markaana Guusha uu Doorashadaa ka gaadhay Musharraxa KULMIYE ay la leeyihiin.

Faysal Cali Waraabe oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Natiijada Doorashadu si kastaba ha u fool-xumaato waa aqbalaynaa.”

Faysal wuxuu sheegay inay KULMIYE la leeyihiin guusha uu doorashada ka gaadhay “Markay noqoto KULMIYE iyo WADDANI, WADDANI waa Soomaali-weyn, Annagu KULMIYE isku Ehelu-kitaab baanu nahay, guushana waanu la leenahay KULMIYE, markaa Guusha reer Somaliland waanu la qaybsanaynaa, mar haddii aynu jabinay Xisbigii aynaan garanayn halkuu ku socda.” Ayuu yidhi.

Musharixii Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isagu intaan lagu dhawaaqin doorashada ka dardaar-weriyey inay aqbali doonaan iyo in kale, ayaa Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa ka dib Shir muddo socday oo Madaxda Xisbigaasi yeesheen, wuxuu sheegay inuu aqbalay Natiijada Doorashada oo uu ku sheegay inay ahayd Gacan ku samays, waxaanu yidhi “Markaan la tashaday Xisbiga waxaan qaatay Go’aan qadhaadh oo aan hubo inaanu farax-gelinayn Taageerayaasha Codkooda la boobay, kaasi oo ah mid lagu badbaadinayo Midnimada Ummadda Somaliland iyo Ammaanka Qaranka. Umaan Tanaasulin Muuse Biixi, Umaan Tanaasulin Xisbiga KULMIYE, waxaan u tanaasulay Nabadda, Wada-jirka iyo Midnimada ummadda Somaliland, waxaan Go’aansaday inaan Natiijada Gacan ku samayska ah ee la dhoob-dhoobay aan aqbalo.”

Mudane Cirro oo hadalkiisa sii watta ayaa sheegay “Sidii uu hore u yidhi Madaxweyne Daahir Rayaale, Gacantayda Somaliland ku burburi mayso, aniguna waxaan leeyahay Dalkayga Damacayga u burburin maayo, Dadkaygana Dhiiggooda u daadin maayo.”

Ugu dambayn, Doorashadan oo ay codeeyeen Dad ka badan 704 kun, ayaa Musharraxa Xisbiga WADDANI ka heley 226 kun iyo dheeraad, taasi oo u dhigantya 40.73%, halka Musharraxiinta UCID-na ka helaan 23 kun iyo dheeraad, taasi oo u dhiganta 4.17%.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here