“Maanta Ma Nihin Annaga & Idinka, Waxaynu Nahay Innaga Oo Somaliland Ah..”

0
752

– Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa Shalay shaaciyey Natiijada hor-dhaca ah ee Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka qabsoontay  13-kii bishan November, 2017-ka, taasi oo ay ku tartamayeen Musharraxiinta kala ah Muuse Biixi Cabdi oo ka sharraxnaa Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo u sharraxnaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo u tartamayey Xisbiga UCID.

Doorashadan oo loolankeedu aad u adkaa isla-markaana qabsoontay ka dib, 21 Maalmood oo olole aan wax la iskula hadhin ka socday Dalka oo dhan, ayaa waxa Natiijadeeda Shalay shaaciyey Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo Toddobaadkii u dambeeyay ku mashquulsanaa tirinta Codadkii laga dhiibtay.

Natiijadan oo Dadweynuhu aad u wada sugayey, ayaa waxa Guddigu kaga dhawaaqeen Xaflad ay ku qabteen Xaruntooda Hargeysa, taasi oo si toos ah looga baahinayey Telefiishannada, waxayna sheegeen in Madaxweynaha Shanta Sannadood ee soo socda ee Somaliland loo doortay Muuse Biixi Cabdi oo u sharraxnaa KULMIYE iyo ku-xigeenkiisa oo ah Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah Madaxweyne ku-xigeenka hadda haya Xilka.

Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi, ayaa Muddo kooban ka dib, Shir-jaraa’id qabtay isla-markaana jeediyey hadalkiisii u horreeyay, waxaanu u Mahad-naqay taageerayaashii Codkooda siiyey iyo Cid kasta oo Gacan ka geysatay in Doorashadu si nabadgalyo ah u qabsoonto. Sidoo kalena wuxuu farriin iyo dardaaran u jeediyey Musharraxiintii uu ka guulaystay.

Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “Maanta waxay ka mid tahay Maalmaha Taariikhiga ah ee Somaliland. Somaliland Maanta waxay qaadday Tallaabo Horumar u ah dhinaca siyaasadda iyo Nabadgalyada. Somaliland waxay ku guuleysatay meel aanay gaadhi karin Dawlado ka awood iyo dhaqaale badan, taana kumaynu gaadhin Awood aynu Dadka dheer nahay ee waxaynu ku gaadhnay Kaalmada ILAAHAY, Cid kale oo inoogu abaal sheegan kartaana ma jirto. Galladdaa aynu gaadhnay waxaan ugu Mahad-naqayaa Shacabka Somaliland meel ay joogaan ba, mar labaadka waxaan ugu Mahad-naqayaa Xisbiyada Qaranka, UCID, WADDANI iyo KULMIYE, oo dhammaan taageerayaashood aiyo Madaxdooduba ay si lexejeclo leh, Waddanimo leh, Nabadgalyo leh, Mustaqbal dhowrid leh ay u tartameen. Waxaan u Mahad-naqayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo culays weyni ku dhacay iyaga iyo Shaqaalahooda. Waxaynu u Mahad-naqaynaa Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo inoo suurto-geliyey Dal jira oo Xuduudihiisa difaaca, Gudihiisa kala nabadgala, tartanka intaa leeg galena iyagoo Naftood-hureyaal ah oo Naftooda iyo ta Carruurtooda aan danayn ee ta Qaranka ka horreysiiya.

Waxaan u Mahad-naqaynaa Saaxiibbada Somaliland ee Dawlado leh, ee Ururro leh, dhammaantood taageeradii ay na siiyeen, ee Waano leh, ee dhaqaale leh waynu ugu Mahad-naqaynaa. Waxaan u Mahad-naqaynaa bahda Warbaahinta Somaliland oo intii ololaha Doorashadu socday iyo intii ka dambaysayba mar walba Danta guud ilaalinayey oo Shacabka la hawl-galay, Qaranimadana ilaalinayey.”

Madaxweynaha la doortay wuxuu si gaar ah ula hadlay Musharraxiintii UCID iyo WADDANI “Waxaan si gaar ah ugu Mahad-naqayaa Labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI oo Madaxdooda iyo Taageerayaashooduba mudakar yihiin, si gaar ah waxaan ugu Mahad-naqayaa Xisbiga KULMIYE oo ah Xisbigii i soo sharraxay, ila hawl-galay, guushana dhaliyey. Maanta waxaan leeyahay Xisbi keliya muu guulaysan ee Saddexda Xisbiba way guulaysteen, Somaliland-baa guulaysatay. Maanta ma nihin Annaga iyo idinka, waxaynu nahay Innaga oo Somaliland ah. Wax kasta oo Somaliland kala tirsato, qardoofooyinka Bina-aadamku way yimaaddaan, qoyskaa is khilaafa, Aabbo iyo Inan, Hooyo iyo Inan, laba Baayac-mushtar wada leh, Xisbiyada Danta intaa leeg ka hadlayey waxaan xaqiiqsanahay Xisbi walba iyo Hoggaamiyeyaashooda iyo Musharraxiintooda, Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa iyo Faysal iyo ku-xigeenkiisuba inay u tartamayeen Somaliland oo sidan ay tahay ka wanaagsanaata, waxa keliya ee la hayeyna ay ahayd hawshayada ayaa Horumarayaa, Walaalnimo iyo Dal-dhis ayaa lagu tartamayey, Xumaan iyo ummad la collaysiiyo midna umaynaan gelin (Tartanka), Maantana tii ayuun baynu haynaa. Haddii Xisbi wax diiddan yahay waanu doonaynaa, Somaliland la’aantood hore u mari mayso, haddaynu kala jajabno Cadowgeena ayaa badanaya, markaa Walaaladeen kii Wax tirsanayaba baaq nabadeed, Gacan walaalnimo iyo waxeena oo aynu u dhameysanno sidii aynu u dhamaysan jirnay ayaanu ugu baaqaynaa. Somaliland intay wada leedahay ee ay Heshiiska ku tahay ayaa ka badan waxay isku seegi karto, Somaliland waxay leedahay Cadow qudha oo dhammaanteen inala wada cadow ah, Somaliland waxay horumari kartaa markaynu isku nidaamno ee ay midowno, Aniga oo Maanta Ummaddu I karaamaysay oo Codkii ugu badnaa i siisay Maaha inaan keligay guulaystay, ee waxa ila guulaystay Musharraxii WADDANI iyo kii UCID, labadaba waxaan ka codsanayaa si karaamo leh oo Waddanimo leh inaanu iskugu nimaadno oo aanu Dalka wada Maamulno, Qaddarintooda iyo Miisaankooda la siiyo. Waxa inoo ballan ah Dalkeena horumarkiisa iyo Midnimadiisa, dhexdeena aynu Kubadda wada ciyaarno, Xaragana yaynaan ka tagin. Urur kasta oo wax tirsanaya, Qof, Koox iyo Xisbi waxay tirsanayaan waxaan diyaar u ahay inaan la dhameeyo oo aan Gacan qabow oo Walaalnimo u fidiyo, is-dhageysano oo wax Alaale iyo wixii ay gar yeeshaan la siiyo, weliba wixii culays ah aan Anigu qaado, Waayo? Anigaa la I karaameeyay oo la igu leeyahay haddii Cid lagu tiirsanayo in la igu tiirsado.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan u Mahad-naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumaddiisa oo ina soo gaadhsiiyey Maanta halkaa aynu joogno iyo Culayska intaas leeg ee ay qaadeen. Waxaan Tacsi u diraynaa Dadkii innagaga dhintay Mudaharaadyadii dhawaan dhacay oo ay Nasiib-darro ahayd inay Cid inagaga dhimato, intii Dhaawacantayna ILAAHAY Caafimaad ha siiyo.”

Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici, ayaa doorashadan ka helay Codad gaadhaya 305,909 taasi oo boqolay ahaana u dhiganta 55.19% Codadkii laga dhiibtay Doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here