ZIMBABWE: Mugabe Oo Laga Qaaday Guddoomiye-nimadii Xisbiga Iyo Madaxweyne-nimadiisa Oo Lig-ligaynaysa

0
499

Xisbiga maamula dalka Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa Madaxweyne Mugabe ka qaaday xilka hoggaaminta xisbigaasi Shalay, ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Caasimadda ah ee Harare.

Waxaa loo magacaabay in Xisbiga uu hoggaamiye ka noqdo Madaxweyne ku xigeenkii hore, Emmerson Mnangagwa, kaasi oo uu Laba Toddobaad ka hor uu Mugabe Xilka ka qaaday.

Shaqo ka caydhintii Mr. Mnangagwa ayaa sababtay qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka jira, taas oo dhalisay in Milletariga uu maamulka dalka la wareego si ay 93-sano jirka Zimbabwe hoggaaminayay 37-sano, uga hor istaagaan in xaaskiisa Grace ka dhigo Madaxweynaha dalka.

Tobannaan kun oo Qof ayaa doraad ka qeybgalay dibadbaxyo ka dhan ahaa qoyska Mugabe.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Zimbabwe oo Mugabe Xilka ka qaaday Mr. Chris Mutsvangwa, balse Shalay loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga Zanu-PF ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xisbi ahaan ay isu diyaarinayaan sidii ay Mugabe uga qaadi lahaayeen xilka Madaxweynaha dalka.

Sidoo kale, Wakaaladda Reuters ayaa baahisay in  Grace oo ah Xaaska Mugabe lagala noqday dhammaan shaqooyiinkii ay ka haysay xisbiga Zanu-PF.

Mugabe oo Madaxweynaha Dalkaa ahaa tan iyo markii Gumaystihii Ingiriisku Xormimada siiyey Zimbabwe oo ay ka soo wareegtay 37 Sannadood, ayaa waxa dagaal siyaasadeed ku haya Dawladaha Reer Galbeedka oo uu Ingiriisku ugu horreeyo.

Dagaalka Siyaasadeed ee reer Yurub ku hayaan Mugabe ayaa bilaabantay markii Mugabe uu Dad Caddaan ah oo Beero ku lahaa Dalka Zimbabwe ka qaaday isla-markaana ku wareejiyey Dadka Madowga ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here