Taliyihii Hore Ee Ciidamada qaranka general jidh oo imika ka tirsanaa xisbiga mucaaradka ah ee waddani ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay nabad galyadooda ilaashadaan wuxuuna sharaxay jidhkii dheeraa ee loo soomaray nabada Somaliland. Wuxuuna sheegay in saddexda murrashaxa ee dalka u tartamayaa aaney ahayn kuwo xilkan hore u soo qabtay isla markaana ay isku mid yihiin shacabka Somaliland wuxuuna ku dheeraaday ahmiyada ay nabadu uleedahay dhismada dalka iyo wadajirka ummada Somaliland “ shalay waxaanu is aragnay rag badan oo mujaahidiin ah waxaanu hambalyeynay shacabka Somaliland waxaanu ku faraxsanahay sida wanaagsan ee doorashadu ku dhacdey taasina inoo keenidoonto arrimo dibada iyo gudahaba inagaga xidhnaa waa laynagu dhex jiraa bogo bogaandaa laynagu dhex furayaa waxaan uga digayaa inan la rumaysan bogo-bogaandahaa cadowgaasi wax badan buu inagu dhex furay waxaan ka xumahay shaqaaqooyinkii burco ka dhacay waanan ka xumahay intii ku dhimatayna alle hawnaxariisto reer burco waxaana may diidaneyn waxaa lagu yidhi doo joojari baa lagu shubay kolay anigu waan ka soo horjeedaa foojariga iyo waxaas mujaahidiintaas oo aan afhayeen u ahay waxaanu bulshada somaliland ugu baaqaynaa inay wixii halkaa ka soo baxa ku qancaan anigu codkayga muusaan siiyey sababtana waan kuu sheegayaa qabiil igama aha waa nin aan soo wada jabnay waa nin aan soo wada kufnay waa nin aanu soo wada dhaawacanay waa nin aanu soo wada gaajoonay anigu haddii ilaahay iga yeelayo waaban u footeeyee waxaan odhan lahaa isagu ha soo baxo.