Salaadiinta ugu miisaanka culus gobolka todheer ayaa baaq culus ka soo saaray rabshadihii habeen hore ka dhacay magaalada burco iyo qaybo ka mid ah dalka waxaaney ku baaqeen in la joojiyo rabshadahaas wax u dhimaya nabada. Waxay bulshada usheegen in Somaliland ay maanta halkaa nabad ku soo gaadhay isla markaana aan la shaashayn quruxdii ay doorashadu inoogu dhacdey iyo sumacadii ay qaranka u soo hoysay. Salaadiinta ayaa sheegay inanay ilaa imika garaneyn murrashaxa guuleystay balse loo baahan yahay in danta qaranka laga horeysiiyo danta gaarka ah. Sidoo kale salaadiintu waxay ugu baaqeen murrashaxa dhaca ama laga guuleysto in uu utudho dalka isla markaana dadka wax gashto iyagoo tusaale u soo qaatay doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo murrashaxiintii laga guuleystay ee danta qaranka eegay waxaaney tusaale xoogan usoo qaateen madaxweyne siilaanyo doorashadii uu kaga tagay 80ka cod iyagoo sheegay in uu udhudhay dalka dadkana wax gashtay islamarkaana ay u sahashay in uu mar kale madaxweyne noqdo oo uu maanta himiladiisii gaadhay. Murrashaxa maanta guushu raaciweydo waxay kula dar-daarmeen inuu dadka iyo dalka maanta wax gashto si ay ugu sahasho in shacabka uu mar kale cod kaga helo taariikhda uu maanta ka tago” shaqaada Somaliland burcay ka bilaabantaa nabada somalilandna burcay ka bilaabantaa colaad badan oo ka bilaaban tay waa la soo arkay waxaan moodayey in colaad dalka looga waayo arkay oo laga waayo arkay” anagu manihin siyaasiyiin ee waxaanu nahay madaxdhaqameedkii magaaladana intayadaas baa ka soo toostay duruuftaa loo saamixi weydey inaanu seexano dhalinyarada waxaan lee yahay kadaaya colaada iyo abaabulka” waxaa la qiray oo lawada arkay waxaan Africa ka dhicin in Somaliland maanta ka qabsoomeen doorasho aad u nabada oo meel lagaga sheekeeyey aaney Africa jirin nabada ayeynu heer kasta ku gaadhaynaa ilaa imika nin wax helay iyo mid waayey midna anagu ma ogin waxaanu leenahay ninkii guuleystaa muddo ayuun buu dalkan haynayaa oo madaxweyne ka noqonayaa muddo xileedkiisaasna waa dhamaanayaa barina raggaa wax waaeyey uun baa isasoo taagaya qof waliba wuxuu dadkan sii gashtay buu hadhow helayaa oo u yaala. Nabadu waa aas-aaska nolosha wuxuu sheegay in wixii tabasho ah layska laab xaadhanayo.