Guddoomiyaha Komishanka Dooroshooyinka Qaranka Iyo Musharax Xisbiga WADDANI ayaa si wada jira saxaafadda ula hadlay goor dhow ayaa shaaca ka qaaday inay ka heshiiyen qodoba dhawaan la isku af garan waayay.
Labada dhinac ayaa sheegay inay isku fahmeen qoddobadan
1. In Tirintii Codadka degmada Hargeisa iyo Gebilay ay sidoodii ahaadaan tirintuna socoto.
2. In Buuggii ay saxaafadda tuseen xubno ka tirsan Xisbiga Waddani uu ka mid ahaa Buugaagtii doorashada ee Gobolka Saaxil.
3. In Muraaqibiintii iyo hawl wadeenadii Xisbiga Waddani ay dib ugu laabtaan shaqadii ay la wadeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN