Waxaa deggan xaaladda xaafadaha ay xalay rabshado ka dhaceen oo ka tirsan Hargeysa iyo Burco.
Inta la og yahay, ugu yaraan laba qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen rabshadahaasi ka dib markii ay isu soo baxeen taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer, Maxamed Diiriye Xayd ayaa BBC-da u sheegay in ay daggan tahay xaaladda xaafadihii ay rabshadaha ka dhaceen xalay ee Burco.
Waxay arrintani ka dambeysay markii mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani ay dhaliil u soo jeediyeen hanaanka doorashada. Waxay sheegeen in ay hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen guddiga doorashooyiinka ka dib markii “la dhagaysan waayay cabashadooda” ku aadan doorashadii la qabtay Isniintii.