Muqdisho: Wasiirkii Labaad Oo Dawladda Soomaaliya Iskaga Casilay Khilaaf Ku Xidhiidhsan Qaraxii Soobbe

0
496

Wasiirkii Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dawladda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Qaasim, ayaa Shalay iska Casilay Xilkaasi.

Wasiir Maryan Qaasim oo Maalmihii u dambeeyay la hadal-hayey inay ka baxday Xukuumadda Soomaaliya, ayaa Shalay si rasmi ah u shaacisay inay Iska Casishay Xilkii ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaraynta Masiibooyinka, waxayna sheegtay in Iscasilaadda ay ku kaliftay Duruufo soo waajahay oo sababay inay shaqayn kari waydo.

Marwo Maryan Qaasim oo ah Haweenay Sumcad ku leh Bulshada Soomaaliya, ayaa Waraahinta uu Gurigeeda Muqdisho ku booqatay u xaqiijisay inay Iska Casishay Xilkii ay ka haysay Dawladda Soomaaliya, waxayna tidhi “Anigoo ah Drs. Maryan Qaasim Axmed, ahna Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka, waxaan idiin xaqiijinayaa Xilkii Wasiirnimo ee aan u hayey Xukuumadda, anigoo ILAAHAY uga baryaya Xukuumadda in Qof iga Wanaagsan uu u buuxiyo Booskaa (aan iska Casilay)..”

Drs. Maryan Qaasim oo la waydiiyey Sababta ay isku Casishay ayaa ku jawaabtay  “Waxaan uga tagay Xilkii aan hayey waxa igu adkaatay Duruufta Shaqo. Anigu waxaan aqaanaa sida looga shaqeeyo Wasaarad dhisan oo waan ka shaqayn karaa, laakiin Shaqadu markay is-barbar-yaac tahay, wax walba isku qasan yihiin, waxba aanay kala baxsanayn, Dawakhaad badan ayaa laga qaadayaa.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Anigu ma ihi Qof Mucaarad ah, laakiin Duruufta isbarbar-yaac ah way igu adkaatay inaan ku shaqeeyo, markaa anigu shaqsiyan waxaan door-biday inaan Siyaasadda Faraha kala baxo, oo aan ugu shaqeeyo Bulshadayda si la mid ah sidii aan ugu shaqayn jiray berigii aanaan Siyaasadda gelin.”

Dhanka kale, ma jiraan Warar Madax-bannaan oo faahfaahin ka bixinaya Sababta keentay Iscasilaadda Wasiirkii Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliya, laakiin Warar aan Rasmi ahayn ayaa sheegaya in iscasilaaddeedu ka dhalatay Isfaham-waa ku saabsan sida loogu gurmanayo Dadka ay Eheladoodu ku dhinteen Qaraxii Isgoyska Soobbe ka dhacay 14-ka bishii hore ee October, 2017 oo soo kala dhex galay iyada iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa Toddobaadkii hore sheegay in Dawladdu ay Hal Milyan oo Dollar ay ugu deeqayso Ehelada Dadkii ku dhintay Qaraxii Soobbe, kaasi oo ku dhinteen 358 Ruux, tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen.

Iscsilaadda Wasiir Maryan Qaasim ayaa ku soo beegmaysa Toddobaadyo uun ka dib, Iscasilaadda Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyihii Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo Iscasilay Maalmo ka dib, Qaraxii Isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here