Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen-Deyr), ayaa ka hadlay sidii ay u dhacday Doorashada Madaxtooyada ee weli Natiijadeeda la sugayo.
Doorashada Madaxtooyada oo ay ku tartameen Musharraxiinta kala ah Muuse Biixi Cabdi oo u tartamayey Xisbiga KULMIYE, Cabdiraxmaan-Cirro oo WADDANI u tartamayey iyo Faysal Cali Waraabe oo UCID u tartamayey, ayaa wuxuu ammaanay sidii ay u dhacday Doorashadu, isagoo Shacabkana ku Hambalyeeyay siday ugu soo baxeen Doorashadaasi.
Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige oo Shalay u warramay Telefiishanka Eryal ayaa ugu horreyn sheegay in Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka dhacday Isniintii ay muujisay sida Reer Somaliland ugu Bisil yihiin Nidaamka Dimuqraadiyadda “Doorashooyin way ka dhici jireen Somaliland, laakiin Doorashadani waxay muujisay inaynu nahay Qaran jira, isku tashaday, Bislaaday oo doonaya inaynu Caalamka ka mid noqono. Waxaan Hambalyeynayaa Musharraxiinta Xisbiyada, ku-xigeennadooda iyo Taageerayaashoodu sida wanaagsan ee Waayo-aragnimada leh ee Tudhaalaha leh ee ay Doorashadaa u alooseen iyo siday Taageerayaashooda ugu Waaniyeen inay Nabadgalyada dhowraan. Waxaan iyagana bogaadinayaa Guddiga Doorashooyinka oo qabtay Hawl Faan u ah Qaranka Somaliland, waxaan ku hambalyeynayaa siday uga hawl-galeen 1,642 Goobood ee doorashadu ka qabsoontay, Deerana aanay Deero Hirdiyin, wax kalena ka dhicin, waana Hawl aad u qiimo badan oo ay Qabteen Komishanku. Waxa kale oo aan Halkan Hambalyo uga dirayaa Ciidammada kala duwan ee Somaliland, sida Waddani-nimada leh, Masuuliyadda ah ee ay sugeen Amniga Qaranka, markaa waxaan odhan karaa Doorashadaasi waxay ahayd Guul Taariikhi ah oo Qaranka Somaliland u soo hoyatay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabay su’aal laga waydiiyey Natiijooyinka aan rasmiga ahayn ee Taageerayaasha Xisbiyada Qaranka qaarkood faafinayaan, Maaddaama oo Komiishanka Qaranku aanu weli shaacin Natiijo rasmi ah “Natiijada Shaacinteeda waxa Sharcigu siinayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Qarankuna iyaga ayuu ka dhursugayaa inay Natiijada sheegaan, laakiin Taageerayaasha Xisbiyadu natiijooyinka ay sheegaan waa Baro-bagaando illaa Komiishanku ay si Rasmi ah u shaaciyaan Natiijada, oo ay Maxkamadda Sare Warqad u qoraan, Madaxweynaha Warqad u qoraan, Musharraxiinta Xisbiyada la socodsiiyaan, Beesha Caalamka la socodsiiyaan, Golaha Guurtida la socodsiiyaan.”
Afhayeen Deyr oo la weydiiyey waxa la Xasuusan doono Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ayaa ku jawaabay “Madaxweyne Siilaanyo waxa lagu xasuusan doonaa inuu yahay Madaxweynihii ugu Dimuqraaddisanaa ee Isagoo Xaq u leh inuu Mar labaad Tartamo oo uu Dastuurku siinayo, inuu yidhi waxaan uga tanaasulayaa in Dadkii aan soo Tababbaray ay sii ambo-qaadaan Himiladaydii, markaa Qaranku wuxuu hayaa Abaal-weyn.”ayuu yidhi.