Komishanka Oo Soo Bandhigaya Natiijo Hordhac Ah & Maxkamadda Sare Oo Shaacinaysa Natiijada Kama-Dambaysta Ah Ee Doorashada

0
1110

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Xisbiyada Qaranka iyo Taageerayaashoodaba uga digay inay faafiyaan Natiijooyin been abuur ah oo ku saabsan Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka dhacday Isniintii Toddobaadkan, taasi oo aanu Komiishanku weli si rasmi ah u shaacin Cidda ku guuleysatay.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Siciid Cali Muuse oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Tirinta Codadka laga dhiibtay Doorashada Madaxtooyada ay Gobollada Dalka qaarkood weli ka socoto, qaarkoodna la dhameeyay, sidaasi darteed aan loo baahnayn in Taageerayaasha Xisbiyadu baahiyaan Natiijooyin been abuur ah oo hadhow horseedi kara Khilaaf soo kala dhex gala Xisbiyada Qaranka ee Natiijada sugaya.

Afhayeenka Komiishanka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xubnaha Komiishanka ee ku kala sugan Gobollada Dalku waxay noo soo warrameen in Xaaladdu deggan tahay, tirinta Codadkana lagu mashquulsan yahay oo meelaha qaarkood la wado, meelaha qaarkoodna dhammaadeen, taasina waa Mid ILAAHAY looga Mahad-naqo.”

Siciid Cali Muuse wuxuu ka digay faafinta Natiijooyin Been Abuur ah, kuwaasi oo uu xusay inay Sababeen in Dalka Dibeddiisa iyo Gudihiisaba ay ka dabbaal-degaan Dad kala taageersan Xisbiyada Qaranku “Waxa jira Warar soo baxaya oo aanu hore uga dignay Xisbiyada, imikana aanu uga digayno, Waayo? Wararkaasi way isa soo tarayaan. Wararkaasi waxa weeyaan inay jiraan Dabbaal-degyo oo Xisbi Walba uu leeyahay ‘Anagaa helnay oo guulaysanay’, taasi mid Komiishanka ka soo baxday Maaha, tiro aanu ku dhawaaqnayna maaha, mid loo dul-qaadan karayana maaha in Dadka la Majaro-habaabiyo oo Warar beena laga dhargiyo, Xattaa waxa na soo gaadhay in Waddamo Somaliland ka baxsan laga dabbaal-degay, Yurub baa la soo sheegay, Afrika ayaa la noo soo sheegay, Australia ayaa la noo sheegay in laga dabbaal-degay, Maraykanka ayaa la soo  sheegay in laga dabbaal-degay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Dadkaasi maaha Dad jooga Somaliland oo war u haya Somaliland, waxaanu leenahay Dadkaa dibedda jooga ka daaya Wararka beenta ah ee aad fidinaysaan, Xafladaha aad qabanaysaan, Sawirrada aad Email-lada ku soo diraysaan, Waayo? Waddanka waxba uma taraysaan, Haddaad doonaysaan inaad Waddanka kharibtaan Dadkii baa jooga, Walaaladiin iyo Hooyooyinkii-baa jooga ee yaad baa’biinaysaan?. Kuwa Dalka Gudihiisa jooga ee Hudheellada Hoosta ka xidhanaya ee Xafladaha qabsanaya waxaanu uga digaynaa inay joojiyaan waxyaabaha ay wadaan, oo ay ku ekaadaan Natiijada Komishanka Doorashooyinka Qaranka ka soo bixi doonta, taasaa Xaqiiqo ah oo Dhab ah.”

Afhayeenka Guddiga Doorashadu wuxuu sheegay inay shaacin doonaan Natiijo Hordhac ah, Maxkamadda Sare-na Shaacin doonto Natiijada Rasmiga ah “Annaguna Tirada aanu soo saarno waxaanu u gudbinaynaa Maxkamadda Sare ee Qaranka oo iyadu ku dhawaaqaysa, Annaguna waxaanu ku dhawaaqaynaa Natiijo Hordhac ah.” Ayuu yidhi, wallow aanu xusin Wakhtiga ay shaacinayaan Natiijada Hordhaca ah.

Ugu dambayn, Doorashada Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ku tartamayey Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ahaa Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI iyo Faysal Cali Waraabe oo ahaa Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here