Dhaqaatiirta beer lagu xanaaneeyo duurjoogta oo ku taalla magaalada Barranquilla ee dalka Colombia ayaa waxa ay ku guulaysteen qalliin lagu sameeyay Maroodi miisaankiisu yahay 5 tan.
Maroodigan ayaa horay looga helay beer uu lahaa nin ka ganacsada daroogada.
Qalliinka Maroodigan ayaa wax ka qayb qaatay 30 qof ,iyada oo Maroodigan oo lagu magacaabo Tantor,la suuxiyay muddo seddex saac ah.
Maroodigan ayaa waxaa qalliinka looga sameeyay mid ka mid ah foolashiisa ka dib markii ay dilaacday.
Dad ka badan boqol qof ayaa soo uruuriyya lacagta qaliinka oo dhanayd in ka badan $8,500 oo doolar.
Qalliinkan ayay ahayd in Maroodigan lagu sameeyo laba sano ka hor markaasi oo uu dhaawac ka soo garay mid ka mid ah foolasha.
Qalliinka ayaa dib loo dhigay si loo helo daawo gaar ah oo leh awood lagu suuxin karo Maroodigaasi.
Qalliinkan ayaa lagu sameeyay qalab gaar ah oo loogu talagalay.
Tantor ayaa la geeyay beer lagu xanaaneeyo duurjoogta oo ku taalla Barranquilla bishii April 1991 ka dib markii laga dhex helay beer uu lahaa nin daroogada ka ganacsada.
Waxaa la rumaysan yahay in Maroodigani uu jiro 50 sano.