Murashaxiinta Madaxweyne-nimada ee ku loollamaya Doorashada 13-ka bishan la filayo inay ka qabsoonto dalka, ayaa markii labaad isaga hor yimi Dood Xaasaasi ah oo lagu falan-qeeyey Arrimo Badan oo ka mid ah barnaamij-siyaasadeedyada saddexda Xisbi Qaran.
Murshaxiinta Xilka Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, KULMIYE Muuse Biixi Cabdi & WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa mar kale Isku haleelay Dooddan oo ay wada-jir u qabsteen Telefishanka HCTV iyo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, taas oo saddexda Murashaxba ay ku kaga jawaabayeen Su’aalo murashax kasta laga weydiiyey Wax-qabadka Xukuumaddiisa iyo Barnaamij-siyaasadeedka Xisbiga haddii uu talada dalka ku guulaysto.