Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca Ee Weerarkii Maraykanka Ka Dhacay

0
993

Ugu yaraan 26 ruux ayaa ku dhimatay 20 kalana dhaawac ayaa soo gaadhay ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay kiniisad ku taalla goobolka Texas, intii ay dadku ku guda jireen ciibaysiga Axadda.

Weerarkan ayaa ka dhacay kiniisad ku taalla Sutherland Springs oo ah magaalo yar oo ka tirsan deegaanka Wilson.

Dadka dhintay da’doodu waxay u dhaxaysaa 5 sano ilaa 72 sano.

Ninkii looga shakisnaa weerarkan ayaa markii dambe la helay isaga oo mayd ah oo ku jira gaadhigiisa oo yaalla meel dhawr kiiloo mitir u jirta kiniisadda.

Booliiska ayaa qofka weerarka gaystay ku sheegay “nin da’yar oo caddaan ah” oo kali ah, laakiin warbaahinta Maraykanka ayaa ku sheegay Devin Patrick Kelley oo 26 jir ah.

Kelly ayaa la sheegay in laga eryay ciidammada cirka ee Maraykanka sannadkii 2014kii ka dib markii maxkamadda ciidammadu ay ku heshay in uu tacadi u gaystay xaaskiisa iyo ilmo oo uu dhalay.

Ma cadda waxa ku qaaday weerarkan.

tacsi loo sameeyay dadkii kiniisadda lagu laayay

Freeman Martin oo ah madaxa waaxda ammaanka shacabka ee gobolka ayaa sheegay in qofka weerarka gaystay uu xidhnaa dhar madaw iyo qalabka xabbadaha difaaca.

Markii uu ka tagay kiniisadda qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa qorigigiisii la so baxay oo rasaas ku furay ninka laga shakisan yahay kaas oo markii dambe qorigiisii tuuray gaadhina ku baxsaday.

Qofkii deegaanka ahaa ayaa sii eryaday qofka laga shakisan yahay kaas oo markii dambe shil ku galay Guadalupe County.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here