Khilaaf Curdan Dhadhiyey Wadashaqayntii WADDANI Oo Ka Dhex Qarxay + Hogaanka Sare Oo Baalashii Ka Rifay Awoodii Xirsi Iyo Shuruud Shirka Xidhay

0
1136

Khilaaf xoog leh ayaa ka dhex qarxay Nusdambeedka waddani iyo hogaamiyaha xisbiga waddani kuwaas oo labadii cisho ee udambeeyey fiintu dhex miranaysay, nusdambeedka xisbiga waddani oo ah xubno gacanta ku haya tallada xisbiga lagu jaangooyo ayaa ku shawray in hogaamiyaha xisbiga xirsi cali xaaji xasan laga hoos saaro qasnadii maaliyada ee olollaha xisbiga lagu maamuli jiray oo si madaxbanaan gacanta ugu jiray xirsi cali isla markaana uu qasnada iyo maamulideeda u madaxbanaana, ilo xogogaala oo diirada ku hayey dhaq-dhaqaaqa xulufada nusdambeeda ayaa xaqiijiyey in khilaaf hadheeyey kaambaynkii xisbiga ka dib markii xulufo ku abtirsata ardaaga murrashax cirro ay isku cunadeebeen inay joojiyaan dhaqaalihii gacantaugu jiray hogaamiye xirsi kaas oo maamuli jiray dhaqaalaha dibada ee xisbiga iyo midka gudaha ee ay ku ololloleeyaan kaas oo saldhiga olollaha ka dhigtay burco si uu hawlaha ugu kala socod siiyo.waxaaney ku sababeeyeen inaan xiligan suuro gal ahayn in lacag lagu kharash gareeyo codka bariga burco oo xirsi xooga saaray inuu kala dhantaalo islamarkaana la waayo balse nusdambeeda waddani oo daaqad ay iska tustay dabayshii guuldarada ayaa ku qayshadey in xirsi laga qabto lacagta xisbiga loogu talo galay eek u tagri falayo isla markaana uula soo baxo afartankii malyen eek u faani jiray maadama lagu jiro waxkhti ololle. Dhacdadan ayaa noqotay mid bariiqasho ku keenay ololihii uu xisbigu isugu soo bixijiray gobolada ka dib dhaqaale la,aan soo wajahdey.

Sidoo kale qorshaxani wuxuu adhax wareemiyey xubno uu xirsi naas-nuujin jiray ooku garabsanaa inay ka wada duulaan xayndaaba waddani. Khilaafkan oo ilaa hada aan xal loo helin ayaa fiintu dhex miranaysaa waxaana la wariyey in xubno ganacsato ah loo xilsaaray in laysku soo ladqabeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here