Hargeysa: Maxkamadda Gobolka Oo Xukuntay Rag Lagu Qabtay 30 Jirikaan Oo Khamri Ah

0
608

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa min Saddex Sannadood oo Xadhig ah iyo Ganaax Lacageed ku ridday Saddex Nin oo lagu qabtay Maandooriyaha Khamriga oo ay Ganacsanayeen.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Maxamuud Cabdirisaaq Maxamed oo ka mid ah Garsooreyaasha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo Saxaafadda u soo bandhigay Xukunka lagu riday Saddexda Nin ee lagu qabtay Khamriga.

Garsoore Cabdirisaaq oo ku dhawaaqaya Xukunka Saddexda Nin ayaa yidhi “Maanta oo ay bishu tahay 4 (Shalay) waxaa dhacay xukunka dacwadda ciqaabta ee sumadeedu tahay 1072-tan, dacwaddaasi oo ah dacwad ciqaaba isla-markaana xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeeyey, saddexda eedeysane ee kala ah, Maxamed Muxumed Xasan ina Faadumo Xasan oo 30-jira Mustafe Mukhtaar Maxamed Ina Xaawa  Cali oo 28-jira Iyo Idiris Cabdillaahi Xuseen, saddexdan nin waxaa si wada jira loogu soo eedeey ka ganacsi maandooriye Khamri sida ku xusan qodobka Afraad, farqaddiisa koowaad xeer lambar 21-tan kuna xusan 2022 xeerka la dagaalanka musuqmaasuqa, taariikhdu markay aheyd 27/9/2017 abaaro sagaalkii subaxnimo ayaa waxaa lagu soo qabtay Khamri dhan 30 jirikaan oo midkiiba yahay 30-litir, eedeysanayaashi oo watay gaadhi Nisaana oo lambarkiisuna yahay 57, Khamrigaasi oo ay ka keenen degmada Wajaale kana ganacsanayeen, eedaysanayaasha markii loo akhriyey Xaashida eedda way qirteen oo waxay yidhaahdeen waanu qabnaa dambigaa, markaa  Saddexda eedaysane waxa lagu xukumey Min saddex sano xadhig ah iyo saddex Malyan oo ganaaxa, waxaaa gaadhigii khamrigaasi siday ay maxkamaddu ku xukuntay boqolkiiba shan qiimaha uu joogo.”

Sidoo kale, waxa khamrigii raggaa lagu qabtay lagu daadiyey Maxkamadda Horteeda, si dhibaatadiisa Dadka looga fogeeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here