ali Khaliif Galleydh oo ahaa Madaxweynaha Maamulkii Khaatumo ayaa la sheegayaa in uu ku biirayo Xisbiga Kulmiye ee Maamulka Somaliland.
kulan xalay ka dhacay Magaalada Ceynaba ayaa waxaa si wadajir ah uga qeybgalay Cali Khaliif Galleydh iyo Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,waxaana la filayaa in maanta uu si rasmi ah u shaaciyo in uu ku biiray Xisbigaas.
Cali Khaliif,waxaa uu qeyb ka noqon doonaa Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Somaliland iyada oo maamulkiisa uu dhawaan heshiis la gaadhay dawlada Somaliland.
Somaliland waxaa 13ka Bishan ka dhacaya doorashada madaxtinimada Somaliland,waxaana ku tartamaya Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga talada Haya ee Kulmiye,C/Raxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro oo ka socda Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo ka socda Xisbiga UCID.
La soco wixii warar ka soo kordha.
Xigasho Xornimonews