Saaka sharaf weyn ayey noo ahayd in aan ka qayb galo isu soo bixii taageerayaasha xisbiga KULMIYE ay ku sameeyeen khayriyada weyn ee magaalada Laascaanood, aniga oo ka mid ahaa weftigii guddoomiyaha xisbiga ahna musharaxa xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Taageerayaasha iyo bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood, waxay ku soo dhaweeyeen saaka xisbiga KULMIYE hilow iyo kalgacal iyada oo maalin jimce ah ay tahay, oo maalin ciida Islaamka ka mid ay tahay oo dadku ay cibaado uun wakhtigaa u go,o waxay wakhtigaa isugu urureen fagaaraha khayriyada iyo wadooyinka waaweyn iyaga oo calamada xisbiga ruxaya, arrintaasi arin ku timid ciyaar maaha, gobolka Sool waxa xukuumadda xisbiga KULMIYE ka hor waxa adkayd in calad Somalilland ah laga taago iska daa mid xisbi-ee, waxa adkayd in madax Somaliland ahi ay fagaarayaal is taagaan, is badelka lixaadkaas leh Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee Axmed Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay ayaa samaysay. Isu soo baxa maantu waxa uu jawaab u ahaa wixii Sool nagaga sii horeeyey, Sool waxa nagaga horeeya waji wanaagsa, dhito iyo dhaxal wanaagsan, waxaannu nahay Xukuumaddii xasilisay nabadgalyada Sool, waxaannu nahay xisbigii dib u heshiisiinta siyaasadeed ee bulshada reer Somaliland sameeyey, waxaannu nahay xisbigii horumarka iyo adeegyada bulshada wax ka qabtay, Laascaanood maanta waxa ay leedahay 13KM oo wado ah, Laascaanood Jaamacad may lahayn, waxaanu samaynay Jaamacadda Nugaal oo jaamacad weyn ah, oo maanta ay ka qalinjabiyeen kuna badhaadheen da’ yarta Laascaanood.
Waxaannu nahay xisbigii kawaanka iyo sariibada magaalada sameeyey, ee bacadka hablihii iyo dumarkii wadhatada ugu reeyey, waxaannu nahay xisbigii boodhinka weyn ee Seceondary-ga ah sameeyey, waxaannu nahay kuwii sameeyey ceelasha biyaha ee faraha badan, waxaanu nahay kuwa dugsiyda faraha badan sameeyey, ummaddii ayaannu midaynay, dib ayaannu u heshiisiinay, horumarna waannu u horseednay, Sool waxaas ayaa naga soo horeeya, maxaa kaga soo horeeya ee ay gashadeen WADDANI Iyo UCID?
Reer Sool waa shacbi gob ah, waa gurigii garaadada, dad ay taasi ka khaldami karto maaha, waxa ka jirta gobolka Sool kolka ay cadaalad daradu dhacdo hal hays, Garaadow garaad kaa lihi, Maanta hadaanu xumaynay Sool waxa nala odhan lahaa KULMIYOW xisbi kale kaa lihi, balse waxa ay noqotay, KULMIYE waa xisbigayagii waa ciwad celinaynaa waana abaal celinayaa ayaa nalagu yidhi, 13 November ayey muuqan doontaa guud ahaan gobolka Sool inuu KULMIYE si weyn ugu guulaysto oo aannu maquunino musharaxiinta layliga iyo jaro-baradka ah ee aannu talada dalka isku hayno.
Oog
Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmada Oog, waxaannu ugu mahad-naqaynaa soo dhawaynta Loxdan iyo taageerada lixaadka leh ee aannu kala kulanay, maalmo kooban ayaa ka hadhay doorashadii madaxtooyada Somaliland, maalmo kooban ayaa ka hadhay mudadii uu madaxwayne Siilaanyo xilka ku wareejin lahaa madaxwayne cusub oo ummaddani dooratay, sadex xisbi ayaa tartamaya oo dan baynu moodnay inaynu bulshada u habayno qaab xisbiyeed ee aynaan u habayn qaab reereed.
Xisbi waliba waxbuu fagaaraha la imanayaa shacabka reer Somaliland ayaa ka gar-niqi doona, cida wax dooranaysaa waa shacbiga anagu dacaayad iyo hadal tirro iska odhan mayno, makhraatina iskuma furno xataa hadanu is eedayno, cida makhraatiga furaysaa waa shacbiga Somaliland, annagu KULMIYE hadaanu nahay waxaannu nahay xisbigii talada gacanta ku hayay, waanu ka duwan nahay labada xisbi ee mucaaridka ah, waa ka nasiib badan nahay, waana ka ayaan badan nahay, dhanka kale waa ka imtixaan adag-nahay labada xisbi ee kale annagu imtixaan adag ayaannu soo marnay muxuu ahaa imtixaankaas? shacbiga Somaliland iyo inta codaynaysa ayaannu maamulnay, nin wax maamulayna waad taqaanaan oo ninbuu qardabaa, midbuu riixaa, midbuu wax siiyaa markaa anagu imtixaankaas adag ayaannu ku jirnaa ,shacbiga Somaliland hadaannu si wanaagsan u maamulnay mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maalmo dhaw kadib noqon doonaa madaxwaynihii qaranka, hadaanu taladii dalka uu KULMIYE ku fashilmay waxaannu noqon doonaa kuwo shacbigu codkooda ku karbaasho oo yidhaahdaan maya oo ma gaydaan.
Waxaannu aaminsanahay oo shacabka Somaliland intooda badani qirayaan in xukuumadda madaxwayne Siilaanyo tahay xukuumaddii waxqabadka waar saw markhaati kama tihidin? markhraatigiina janada Alle ha furo, beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaa annagu waxaannu leenahay markhaatigayagu waa shacbiga, KULMIYE horumar ayuu sameeyay, nabad ayuu sameeyey gobolkan Sool colaad ayaa taalay, nabad-darro ayaa taalay KULMIYE intaanu la wareegin degmadan Oog ayay xabadu ka dhici jirtay, Gawsa-wayne ayay ka dhici jirtay oo ragga lagu layn jiray, KULMIYE ummaddii wuu heshiisiiyey oo maanta meel qarankan meel xabadi ka dhacaysaa ma jirto waayo KULMIYE wuxuu raratay hogaamiye hayin ah, oo gurguurshaa waa Axmed Siilaanyo caqligiisii ayuu ku hoggaamiyay, ardaydii ka soo aflaxday malcaamada Axmed Silaanyo oo aan anigu ku jiro, Muuse Biixina nagu hogaaminaayo ayaa KULMIYE-ha cusubi uu yahay, saddexda musharax ee tartamaya annagu waxaannu wadnaa kii gur-gurshaaga ahaa maxaa lagu yaqaanaa gur-guurshaaga waxa la saaraa maxasta,maatida waxa jajabaysa, kaayagu layli maaha jarro barad ah KULMIYE waa kaas
Caynaba
Gobolka Saraar magaalo madaxdiisa Caynaba oo aynnu maanta joogno meel muran ku jirta inay tahay xisbiga KULMIYE Saldhig uu leeyahay ma jirto, gobolka Saraar magaaalada Caynaba markii ururada la aas-aasay xisbiga KULMIYE ayuu isaga oo urur ah wuxuu ka helay 13 kii xubnood ee gollaha deegaanka wuxuu ka helay 7 xubnood, sanadkii 2002-dii, waxay ahaayeen aas-aasayaashii KULMIYE.
Doorashadii 2003-dii iyo 2010-kiiba waxa ay ahaayeen taageerayaasha ugu loxdan, Caynaba isma dhalin rogin, waxa aynu leenahay Caynaba ma taqaan is dhalan roga, diga rogashada ma taqaano halkeeda ayey ku qaliajisataa, waxay ka mid yihiin dadkii doortay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee codka siiyey, ee xisbiga KULMIYE talada dalka ku haaneeday.
KULMIYE todobadii sanno ee tallada dalka uu hayey reer Saraareed iyo reer Caynaba kuma khasaarin codkoodiina maanta farta dhexda ka qaniiniymayaan, balse way mahadiyeen, taariikhda ayaa ka run sheegaysa, ummadda ayaa ka run sheegaysa, hadii KULMIYE reer Caynaba ku khasaareen maanta sidaa Muuse Biixi Cabdi umay soo dhaweeyeen, calaamadaha KULMIYE-na sidaas looma siteen, waxaynnu leenahay KULMIYE halkan horumar ayuu ka sameeyey gobolka Saraar horumar weyna ayuu ka qabtay.
KULMIYE wax badan ayuu gobolkan ka qabtay, maanta waxa ka jirta dawladd-nimo xoogan, nabadgalyo, iyo horumar, waxaan leeyahay maalmaha soo socda ayey cadaan doontaa taageerada gobolka Sool iyo Saraar KULMIYE ku leeyahay, Saraari waa KULMIYE, KULMIYE-na waa Saraar