SIR CULUS: Dawladda Soomaaliya Oo 3 Milyan Oo Doollar Ku Wareejisay Xisbiga WADDANI Iyo Masuul Ay Isku Ardaa Yihiin Murrashaxa WADDANI Oo La Soo Dhex Mariyey

0
719

Toddobaadkii u dambeeyey waxaa iska soo daba dhacayey xidhiidhka ka dhaxeeya xisbiga waddani iyo xukuumadda muqdisho ee uu gadhwadeenka yahay farmaajo waxaana badka u soo baxay xoggo iftiimiyey xidhiidh qoto dheer oo mataaneeyey xisbiga waddani iyo dawladda somaliya taas oo danteeda midnimo doonka ka dhex aragtay hogaaminta murrashax cirro maadaama uu ahaa gacan yare dawladii kacaanka ee taliskii siyaad barre ka tirsanaa halka murrashaxiinta xisbiyada UCID iyo Kulmiye ay ahaayeen kuwo ku suntan ridida kacaankii siyaad, waxaa soo ifbaxdey lacago xukuumada muqdisho ugu deeqday xisbiga waddani kaas oo loo soo mariyey xoghaya arrimaha dibada xisbigaasi oo gacan yare u ah murrashaxa waddani.  Tan iyo mudadii la aasaasay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxa bulshada Somaliland dhagahooda ku soo noqnoqonayay eedaymo loo soo jeedinayay xisbiga Waddani, taas oo lagu eedaynayo inuu xidhiidh toos ah la leeyahay dawlada Federaalka Soomaaliya, islamarkaana xisbigu u ololeeyo midnimada Soomaliya.  Haddaba baadhitaan saxaafadeed  (Investigative Journalism) ay  suxufiyiin madax banaani ku sameeyeen xidhiidhka ka dhexeeya xisbiga Waddani iyo Dawlada Soomaaliya ayay ku soo xaqiijiyeen jiritaanka xidhiidhka. xoghayaha arrimaha Dibadda ee xisbiga Waddani, Mudane Maxamed Cismaan Fadal

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee xisbiga WADDANI, Mudane Maxamed Cismaan Fadal

Dukmantiyo sir ah oo ay heshay saxaafada madaxabanaani ayaa daaha ka fayday xidhiidhka dhabta ah ee ka dhexeeya xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo Dawlada Federalka Soomaaliya.

Cadaymahan waxa ka mid ah jeeg lacageed oo dhan 3 milyan oo Dollar ($ 3,000,000) oo 24 kii bisha 9aad ee September 2017 madaxwaynaha Dawlada Federaalka Somaliya ku wareejisay xoghayaha arrimaha Dibadda ee xisbiga Waddani, Mudane Maxamed Cismaan Fadal, lagana soo qaaday Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Sawirka Jeegan oo hoos ka muuqda waxa ku saxeexan madaxwaynaha Dawlada Somaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo.

Jeeg Somalia Wadani

Jeega Xisbiga WADDANI Loo Saxeexay, Waxaa Godoomay Xoog-hayaha Arimaha Dibadda Ee Xisbiga WADDANI

Lacagta 3 milyan ee dollar ah ee Dawlada Soomaliya soo siiyay xisbiga Waddani ayaa ah mid loogu talogalay ololaha doorashada Somaliland sida ka muuqata taariikhda la bixiyay jeegan oo ku beegan bilowgii ololaha doorashada Somaliland.

Tani waxay cadaynaysaa in xisbiga Waddani iyo Murashixiisa madaxwayne ee Cabdiraxmaan Cirro ay ka dhabtahay midnimada Soomaaliya taas oo ka soo horjeeda goaankii gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here