Murrashax Cirro Oo Aflagaado Iyo Meel Ka Dhac Kula Kacay Mujaahidiintii Ururkii SNM

0
755

Murrashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa aflagaado, meel ka dhac iyo duudsi kula kacay mujaahidiintii Ururkii halganka adag u soo galay dib u xoreyntii Jamhuuriyadda Somaliland SNM inta nool wakhtigan.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sheegay in mujaahidiintii Somaliland u soo halgantay badankoodu dhinteen, isla markaana inta nool ay yihiin intii dhuuman jirtay wakhtigii halganka iyo dagaallada lagu jiray.

Murrashax Cirro ayaa hadalkan toddobaadkii hore ka sheegay Fagaaraha khayriyada ee Magaalada Boorama, waxaanu yidhi “Horta dadkii soo halgamay (Mujaahidiintii SNM) intii badneyd way dhinteen, waxaan u malaynayaa waxa soo hadhay uun intii dhuuman jirtay” Ayuu yidhi Murrashaxa Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu mar kale maalintii arbacadii ka sheegay Khayriyada Magaalada Burco in wakhtigii u shaqeynayey  Dawladda Somalia ee uu joogay Ruushka uu ka faa’ido badnaa rag badan oo joogay goobihii halganka ee ay ka mid ahayd Qaaxo, waxaanu yidhi “Muuse waxaan leeyahay Mujaahidnimaddaada iskaga faan, haddii aad dooneyso, waxaan anigu qaba oo aan rumeys nahay in kasto aanan Qaaxo tegin, in aan qaranka Somaliland uga faa’iido badnaa qaar Qaaxo joogay oo hagardaamo u la joogay, laakiin oo dhib u la joogay, anigu markii aan Moosko joogay raggii aan soo saaray ee mutacalimiinta ahaa ee PHD-da sitay , waa kuwan hareerahayga jooga, boqolaal ayaan soo saaray boqolaal wada dhakhtaro ah oo qaar dawladda ku jiraan”

Murrashaxa Xisbiga Waddani, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ee uu adkaaday tartanka doorashada madaxtinimada ee Somaliland,waxa ka soo yeedhayey hadallo u muuqda qaar uu kaga gubanayo halgankii SNM iyo dib u xoreyntii dalka oo Xisbiga Kulmiye ku ololeynayey, isla markaana uu ku doonayo inuu ka kasbado codka shacabka Somaliland, madaama murrashaxa Kulmiye yahay Saraakiishii Ururka SNM hoggaaminayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here