Madaxweynaha Oo Ka Qayb-galay Sannad Guurada 24-aad Ee Ka Soo Wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliska Somaliland, Una Jeediyey Khudbad Taariikh ah, Kuna Hambalyeeyey Xuska Sanad Guuradooda

0
818

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta ka qaybgalay sanad guurada 24-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Booliska Somaliland, isagoo madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme dabaqa oo markii u horaysay ay yeesheen ciidanka booliska Somaliland, kaasi oo noqon doona xarunta guud ee looga arrimiyo ciidama booliska, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay dhismahaasi iyo gaadiid tiro badan oo aad u qalabaysan oo ay ciidamadu yeesheen markii u horaysay 24 kaa sanno, munaasibadaasi oo ahayd mid qiimo gaara u leh qaranka iyo madaxweynahaba, waxa khudbado ka jeediyey hoggaanka hawl-gelinta Ciidanka Booliska Somaliland, Gashaanle sare Cabdiqani Ciise Maygaag (Geney) oo isagu ka hadlay kiisaskii sanadkan 2017, isbarbar dhigna ku sameeyey 2016-2017, taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo guuto cabdilaahi Fadal Iimaan oo isna ka hadlay waxqabadka u soo kordhay booliska intii uu gacanta ku hayey, Wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha, Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlay arrimaha nabadgelyada iyo dedaalada ciidanka booliska.

 

Waxaana munaasibadaasi soo xidhay oo khudbad ka jeediyey madashaasi madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi”Taliyaha Guud eeCiidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taliye Ku-xigeenka, Saraakiisha iyo dhammaan Ciidan weynaha Booliska, Xubnaha Xukuumadda iyo Marti Sharafta kale,

 

Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta ka soo qayb galo, munaasibadda Xuska Sannad Guurada 24aad, ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Madashan qiimaha badan, waxaan jecelahay, in aan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan hawada u mariyo, dhammaan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan uga mahad-celinayaa Ciidanka Booliska iyo dhammaan Ciidammada kale ee Qaranka, sida hagar la’aanta ah ee ay u guteen waajibaadkooda shaqo, muddadii toddobada sanno ahayd, ee aan dalka hoggaaminayey.

 

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Dalkeenu wuxuu ku yaallaa Gobol, ay colaadaha iyo xasaraduhu ku badan yihiin. Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah, in aynu sii xoojinno amniga iyo xasiloonida Qarankeena. Waxa Eebe mahaddii ah, in Nabadda iyo Degenaanshaha, uu dalkeenu maanta ku naaloonayo, ay tahay mid ku timid dedaalka iyo kartida Xukuumadda Xisbiga Kulmiye. Waxaan aamin-sanahay, in maanta aynu hirgelinay nidaam wacan, oo lagu sii dhisi karo, laguna sii horumarin karo Tayada, Xirfadda iyo Aqoonta Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxa xusid mudan, bilicda iyo quruxda derajooyinka garbihiinna ka muuqdaa, in ay ka mid-yihiin dedaallada iyo wax-qabadka Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ay hir-gelisay. Derajooyinkaasi, waxay kaalin weyn ka qaateen maamuuska, habyadda iyo kala dembaynta ciidammada dalka. Dhinaca kale, waxaan kula dardaarmi doonaa Madaxweynaha aan xilka ku wareejin doono, in uu halkaa ka sii wado daryeelka, horumarinta iyo tayeynta Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland. 

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waxaynu ku jirnaa gebagabadii, iyo maalmihii ugu dambeeyey, ee Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay, taasoo talada dalka haysay laga soo bilaabo 27-kii, bishii 7-aad, sannadkii 2010-kii. Dhinaca kale, haddii RABBI idmo, waxa foodda inagu soo haysa Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, oo qabsoomi doonta 13-ka, bisha 11-aad, ee sannadkan 2017-ka. Sidaa darteed, waxaan dhammaan Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland ku amaanaya doorka weyn ee ay ka qaateen hab-sami u socodka iyo u diyaar-garowga hawlaha Doorashada Madaxtooyada.

 

Sidoo kale, waxaan ku kal-soonahay, in aad xil mug leh iska saari doontaan amniga qaranka, gaar ahaan xuduudaha dalka iyo goobaha doorashooyinka. Waxaan Shacbiga Somaliland ugu baaqayaa, in ay is-garab taagaan, isla markaana gacan siiyaan, geesiyaasha  Ciidammada Qaranka, ee habeen iyo maalin heeganka u ah, sugidda nabadgelyada iyo ka hortagga falalka lagu dhaawacayo xasiloonida dalka.

 

Ugu dambayn, waxaan dhammaan Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland farayaa, in ay heegan buuxa galaan, isla markaana u diyaar garoobaan hawlaha Doorashada Madaxtooyada”.

 

Wa Billaahi Tawfiiq…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here