Wiil Soomaali Ah Iyo Gabadh Kalkaaliso Caafimaad Ahayd Oo Lagu Dilay Australia & Masar

0
2276

Gabadh Magaceeda lagu sheegay Niciima Xasan oo ka mid ah Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Dalka Australia, ayaa Meydkeeda laga helay Magaalada Brisbane Dalka Australia.

Booliiska Waddanka Australia ayaa baadhitaan kaddib aqoonsaday Meydka Gabadha Soomaaliyadda ah ee Meydkeeda la helay, taasi oo la sheegay inay ahayd Kalkaaliso Caafimaad oo ka shaqeyn jirtay Cisbitaal ku yaalla Magaalada Lagu dilay ee Brisbane.

Gabadhan oo Alle ha u naxariistee Qoyskeedu la’aayeen illaa Sabtidii Toddobaadkan ayaa Booliisku baadhayaan Meydkeeda, iyagoo markaasi ka dibna ku wareejin doona Qoyskeeda si ay u aasaan.

Gabadhan oo Dalka Australia tagtay iyadoo 7 Sano jir ah, isla-markaana halkaa ku noolayd Labaatankii Sannadood ee u dambeeyay, ayaa Geeriyootay iyadoo 27 jir ah, sida uu sheegay Qof ku nool Dalka Australia oo Geerideeda uga warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Booliiska ayaa weli ku mashquulsan inay ogaadaan Cidda geysatay Dilka Gabadhan Soomaaliyadda ah, oo halka Meydkeeda laga helay u tagtay inay ku akhrisato Buugaag la xidhiidha Caafimaadka, maaddaama oo ay Kalkaaliso Caafimaad ahayd, kuna shaqeynaysay.

Dhanka kale, Waxa habeen hore Magaalada Qaahira lagu dilay Wiil Dhallinyaro ah oo Soomaali ah.

Wiilkan oo Da’diisa lagu sheegay 16 Jir, Magaciisuna ahaa Shaakir, ayaa la dilay Xilli uu ka soo Rawaxay Maqaaxi uu ku soo Cawiyey.

Dilka Wiilkan ayaa Ciidammada Masar u xidheen illaa Afartan Qof oo Soomaali ah, maaddaama oo Xaafadda lagu dilay ay tahay Xaafadda Soomaalida ugu badan ee Masar deggani ku nool yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here