Murrashaxa Xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka war-wareegaya inuu wareejiyo xilkii guddoomiyenimo ee gollaha wakiillada Somaliland oo dhawaan iska casilay wuxuuna ka cago jiidayaa xaflada xilwareejinta isagoo ka doorbidey ololaha uu ku doonayo inuu qasriga ku fuulo taas oo ah mid xilkasnimo ku dheehan tahay waxaana ilo xogogaala oo wargeyska sahan helayo tibaaxayaan in guddoomiye ciro sababta uu uga war-wareegayo xil wareejinta baarlamanka ay tahay sid salka ku haysa gaadiid tirro badan oo goluhu lee yahay isla markaana uu ugu ololaynayo xisbiga waddani kana gaws adeygay in xilkii wakiilada iyo gaadiidkii golahaba si cad u wareejiyo gaadiidkan oo ah hanti dadweyne oo aan sharcigu jideyn inay ugu ololeeyaan xisbiyada ayaa ka marag kacaysa masuuliyad darada murrashaxa waddani dabtii guud ka doorbidayo tiisa gaar ka ah isla markaaana ku shaqaysanayo gaadiidkii golaha wakiilada isagoo hanti badan oo golaha wakiiladu lahaa dhexda ugu xidhay sidii ay ugu dhici lahaayeen qasnada maaliyadeed ee xisbiga murrashaxa uu ka yahay waxaaney xoguhu intaas ku darayaan in hantidaasi ahayd mida kala socod siinaysay dhaq-dhaqaaqa xisbiga waddani. Murrashaxa Madaxweyne ee xisbigaasi oo noloshii laba eefku ka soo dhamaatay ayaa wali ku dhegsan gaadiid tiro badan wuxuuna tiroba dhawr jeer dhegaha ka furaysatay baaq guddoomiyaha cusub ee baarlamanku baashe maxamed faarax u diray murrashax ciro kaas oo salka ku hayey in uu xilkii ku wareejiyo iyo sidoo kale in uu soo xareeyo gaadiidka golahu leeyahay kana mabnuuc tahay in xisbi loogu ololleeyo.