DEG DEG: Madaxweynaha Somaliland Oo Sameeyay Isku Badel, Magacaabis+Xubno Miisan Culus Oo Kusoo Daray Xukumadda

0
999

DEG DEG: Madaxweynaha Somaliland Oo Sameeyay Isku Badel, Magacaabis+Xubno Miisan Culus Oo Kusoo Daray Xukumadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-5177/102017 uu isku bedel ku sameeyey laba Guddoomiyaha Gobol, kuna magacaabay La-taliye Madaxweyne.

 

Madaxweynuhu:-

 

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Aqoonsaday:        In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

 

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

 

In Mudane, Ibraahim X. Xasan Cali, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Hawd )

 

In Mudane, Cali Maxamed Faarax, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Saraar )

 

Magacaabida La-taliye Madaxweyne

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo magacaabidda jagada La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada;

 

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Maxamed Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

      Axmed Maxamed Silanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here