Wasiirka Hawlaha Guud ayaa xisbiga waddani ku eedeeyey inan dalka lagu aamini Karin wuxuuna isla markaana xidhiidhkoodu taxan yahay muqdisho ilaa hargeysa wasiil cali mareexaan ayaa sidoo kale ku eedeeyey xisbiga waddani inay inkireen waxqabadkii wadada ceerigaabo oo ah mid taariikhda u galay madaxweyne siilaanyo wuxuuna carabka ku adkeeyey in faankii wasiir xirsi dhaafiwaayey 24km oo wadadii ceerigaabo ah isla markaana uu meel walba la taagan yahay inuu wadadii ceerigaabo dhisay. Wasiirka ayaa sidoo kale badka keenay mudadii labada sanno ee wasiirka wada wasaarada hawlaha guud ka ahaa kuu ka qabtay wadadii ceerigaabo isla markaana masuuliyadii loo igmadey kaga soo baxay si hawlkarnimo leh wuxuuna xisbiga waddani ku tilmaamay mid xayeesh ah oo marba xayn tiro ah meel soo taagaya oo miciin bidey inay indhaha bulshada Somaliland indho sarcaad saaraan. Wasiir cali mareexaan ayaa sidoo kale khayriyada magaalada burco oo kumanan qof oo kulmiyeysan isugu soo baxeen wuxuu mid-mid u shaxaray wadada ceerigaabo isagoo sheegay inuu gacantiisa ku fuliyey jidka dherarkiisu yahay 120km oo laami ah halka inta kalena kuu ku sheegay inay caro tuul tahay “Xirsi Wuxuu Ku Faanayaa 24km Oo Uu Ka Dhisay Waddada Ceerigaabo, Aniguna 120 Km Iyo Waddadii Oo Isku Xidhantay Ayaan Hir Geliyey.”…Wasiir Cali Mareexaan
Hadalka wasiirka ayaa ahaa mid uquus gooyey faankii isnuugay ee xirsi uu bartilmaameedka ka dhigtay wadada ceerigaabo