Wefti balaadhan oo uu hogaaminyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ay qeyb ka ahaayeen Xildhibaan Cabdirakiim Aw Cali Shabeel oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland islamarkaana kamida Xisbul Xaakimka Talada Waddanka Haya ee Kulmiye iyo xubno qurba joog ah , Cuqaal, Salaadiin iyo waxgarad ayaa Socdaal Deeganada Abaarso, Laalays, Dhaboolaq iyo Gegmada Gabiley, halkaasi oo wafitga si diiran loogu soo dhaweeyey, waftiga uu hogaaminayo Xildhibaanku waxa qeyb ka ahaa Baanbowda oo ahaa wax ku cusub Ololaha Doorashada wakhtigan. Ka hor intii aanu Waftigu ka anba bixin Gudaha Caasimadda Hargeysa waxa uu isu soo baxyadii Ololaha kala qeyb galay Degmooyinka 26-Jun iyo Axmed Dhagax oo, waxaana uu Fagaarayaasha Garoonka Xawaadle iyo Garoonka Kubada Cagta ee Hargeysa Stadium kala hadlay kumaan qof oo kamida taageerayasha Xisbiga Kulmiye ee muujinayey cududooda taageero, waxaana uu ku booriyey inay ilaaliyaan nabad gelyada waddanka si loo gaadho doorasho xor ah oo xalaal ah, sidoo kale Xildhibaan Obama waxa uu Taageerayaasha ugu baaqay inay codkooda mideeyaan islamarkaana ay u codeeyaan Xisbigooda si loo sii anba qaado horumarka dalka. Xildhibaan Obama oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan Idin Xasuusinayaa waxaynu dooranaynaa 13-ka November waxaad donaysaan , waxaad doonaysaan waa maxay? Waa Muuse Biixi Cabdi saw maaha? Xaafadani maxay doonaysaa? Waxay doonaysaa Somaliland oo dhamina doonaysaa Muuse Biixi Cabdi “ ayuu yidhi xildhibaan Obama
Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo isaguna halkaasi bulshada kala hadlay ayaa yidhi “ waxaa laydinka doonayaa inaydaan dayicin kaadhka codaynta waayo waxa weeye waxa codka lagu kala helayaa waa kaadhka, waxaa kale oo aanu idin faraynaa inaan ilaalino dhaqanka wanaagsan, sida aynu ognahay dhaqanku waa waxa qofku quruxda iyo qiimaha ku leeyahay” sidaa waxaa yidhi Xildhibaan Shabeel
waftiga Xildhibaanku Hogaaminayey ayaa gaadhay Deegaanada Dhaboolaq, Abaarso, Gabiley iyo Laalays, waxaana uu dhammaanba deegaanadaasi kala kulmay soo dhaweyn diiran, waxaana khud bado ka jeediyey guud ahaan deegaanadaa kala duwan ee uu waftigiisu booqday, waxaana uu xildhibaanku markasta shacabka kula dardaarmayey inay nabad gelyada ilaaliyaan, isagoo hoosta ka xariiqay inay sida midaysan ugu codeeyaan Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye Md: Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.
Isku soo wada duuduuboo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) ayaa bilaabay Ololihii ugu adkaa uguna miisaanka cuslaa Doorashada Madaxtooyada isagoo Faraaha Siyaasada kusoo kordhiyey Ciyaaraha Baandoyda oo wakhtigiisa qeyb ka ahaa.