Wasiir Ku Xigeenkii Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta ee jibada xisbiga waddani weydaarisan mansabkiisii kaasi oo shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda madaxweyne siilaanyo isla markaana uu ku biiray xisbiga waddani ayaa sida ilo xogogaala tibaaxayaan sheegeen in wasiir ku xigeenkii wasaaradda boosu uu ku kacay falqaran jab ah kaas oo qorshe dhicisoobay ku damacsanaa in uu gaadhigii xafiiska wasiir ku xigeenka ee dawladu lahayd uu la baxsadey isagoo qorshihiisu ahaa inuu la baxsado isla markaana kala soo jeesto deegaanka uu ku abtirsado masuulkan xatooyada qarsoon ku kacay ayaa damaciisi fashil may ka dib markii ciidamada boolisku ku soo qabteen kaantaroolka haleeya isagoo markaa u sii jeeda dhankaa iyo deegaanka uu siyaasad ahaan ku matalayey xukuumadda. Masuulkan ku kacay fal qaranka sumcad xumo ku ah ayaa ahaa layli ku cusub masraxyada siyaasada isla markaana aan fikir badan ka haysan masuuliyada saaran waxaana loo marag gashtay iscasilaadiisa wakhtidaayaca joogta oo aan ahayn mid wax badan usoo kordhin karta waxaana lagu macneeyey baxsashada gaadiidka dawlada mis damaciisi ahaa inuu ka iibiyo maamul goboleedka puntland oo xadhko taxan hargeysa ilaa garoowe lagu shaxdhigay dhito qorshaysan oo ku taxa luqda sidii loogu kaash garayn lahaa gaadiidkan qaaliga ah waana sumcad xumo ka raacdey siyaasada isla markaana fashil ku hoydey damaciisii dollar doonku.