Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa ka hadlay Xidhiidh uu Maalmihii u dambeeyay Xisbiga WADDANI Telefoonno kula samaynayey Cod-bixiyeyaasha Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Dalka ka dhacaysa 13-ka bisha November, 2017-ka haddii Alle yidhaahdo.
Dhallinyaro iskugu jira Wiilal iyo Gabdho ayaa Maalmihii u dambeeyay waxay Telefoonno kula xidhiidhayeen Dadkii qaatay Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada, iyagoo Qofka ay Telefoonkiisa la soo hadlayaanna ku guubaabinaya inuu u codeeyo Musharraxiinta Xisbiga WADDANI.
Illaa hadda lama oga Cidda bixisay Xogta Dadka qaatay Kaadhadhka Cod-bixinta iyo Telefoonnadooda ee Xisbiga WADDANI sida gaarka ah uu Telefoonnadooda u beegsanayo, laakiin Xisbiga KULMIYE oo Arrintan ka hadlay ayaa Taageerayaashiisa uga digay Dadkaa Telefoonnada kula soo xidhiidhaya ee Codka waydiisanaya.
Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo Shalay khudbad ka jeediyey Fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa, ayaa yidhi “Waxaad ka digtoonaanaysaan Xisbiyo la siiyey, si kastaba haku heleene Telefoonnada Dadka Codaynaya Doorashada oo Dhallinyarada la soo xidhiidhaya. Waxaad ka ilaalisaan Carruurtiina Beenta loo sheegayo ee lagu Sabayo.”
Afhayeenka KULMIYE wuxuu sheegay in baadhitaan lagu wado Cidda bixisay Telefoonnada Dadka qaatay Kaadhadhka Cod-bixinta “Wixii bixiyey Telefoonnadaana baadhisteeda ayaa lagu jiraa..”ayuu yidhi.