Dhismaha Jidka Hormarra Cusbitaalka Adna oo Hakad Ku Yimid Iyo Dawladda Hoose oo aan Wax Tafaasiil ah Ka Bixinin

0
482

Maamulka dawladda hoose ee Caasimadda Hargaysa, ayaa Arbacaddii toddobaadkii aynu soo dhaafnay bilaabay Jidka dheer ee isku xidha Isgoyska loo yaqaan Total ilaa Jaamacadda Hargaysa. Jidkan ama Wadadan oo muddo dheer burbursanayd ayaa bilowga dib u Casriyaynteedda waxa soo dhaweeyay Shacabka ku dhaqan Degmadda Axmed Dhagax ee Caasimadda Hargaysa,taasoo ay weliba kaga qayb-qaateen Qaadhaan ay dawladda hoose ee magaalada Hargaysa ku xidhay samaynteedda, iyagoo Maamulka fullinta ee dawladda hoose ee Caasimadda Hargaysa ogsoon inay shacabku bixiyaan Cashuurta ku waajibtay si ay u hellaan adeegyadda aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Jidkan laamiga ah oo qayb ka mida Daamur cusub la

saaray ayaa hakad ku yimid, kadib markii ay Shacabka Xaafadda Axmed dhagax ay ku war helleen iyaddoo Qalabkii iyo Shaqaalihii ku hawlannaa dib u casriyaynta jidkaas ay dawladda hoose ee Hargaysa dib u rartay, iyagoo aan wax tafaasiil ah ka bixin is bedelka ku yimid qorshihii ay ku bilaabeen markii hore. Sidoo kalenna, aan bulshadda Xaafaddaas la socod-siin baahidda deg-degga ah ee dib loogu raray qalabkii hawshan lagu fullinaayay, hase-yeeshee Ilo wareedyo kala duwan ayaa Warbaahinta caalamiga ah ee Hadhwanaagnews u tibaaxay in Qalabka iyo Shaqaalihii hawshaas gacanta ku hayay-ba lagu celiyay Ammar ka soo baxay Maamulka fullinta ee dawladda hoose ee Caasimadda Hargaysa.

Xoghayaha fullinta dawladda hoose ee Caasimadda Hargaysa Cali Xasan Cawaale ayaa boggiisa uu ku leeyahay deggalka Face-book, waxa uu ku sheegay War-gelin ku saabsan hakadka ku yimid Jidka Laamiga ah, waxaannu farrintaas kooban ku sheegay in dib loo bilaabi doonno maalmaha soo socda waa sida uu qoraalkiisa ku sheegee.

Xoghayaha fullinta dawladda hoose ee Caasimadda Hargaysa Cali Xasan Cawaale ayaa qoraalkiisaa ku yidhi sidatan “Waxaan halkan ugu sheegayaa dadweynaha ku dhaqan degmadda Axmed dhagax inay sii socon doonto dhismaha Wadada Horumarta dhakhtarka Adna Aadan haddii Rabbi idmo, isla markaana dhismaheeda dib loo bilaabi doono maalmahan soo socda. wax is bedela oo ku yimid dhismihii wadadana ma jiraan. Waxaan leeyahay dadka dhismaha wadadan ka dayaya ama u isticmaalaya kaambayn Siyaasadeed. ka waantoba in aad horumarka deegaanka u isticmaashaan boronbagaandho siyaasadeed.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Xoghaye Cali Xasan Cawaale.

Si kastaba ha ahaatee Jidkan dheer ee isku xidha Isgoyska total ilaa Jaamacadda Hargaysa ayaa markii la bilaabay Arbacaddii toddobaadkii aynu soo dhaafnay waxa ka muuqday buun-buunin fara badan, waxaanna isugu yimid Siyaasiyiin, Wasiirro, Madax-dhaqmeed, Maamulka dawladda hoose iyo dadweyne aad u tiro badan, taasoo u muuqatay inaanay meesha leekayn, maaddaama oo ay Horumarinta iyo hellida adeegyadda aasaasiga ahi ay yihiin Waajibaad lagu leeyahay dawladda hoose ee Caasimadda Hargaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here