“Dalka Dowlad Dhexe Kaligeed Ma Xukunto, Dowladda Xamar Ayey Ku Kooban Tahay” … Madaxwaynaha Puntland

0
449

– Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay Dowladda Federalka Somaliya, kaligeed inaysan dalka oo dhan wada xukumin.  Wuxuu sheegay marka la eego baaxadda dhulka Somaliya, ay hadda maamulaan, Maamul Goboledyada dalka ka jira, balse dowladda dhexe ay ku eeg tahay kaliya Magaalada Muqdisho.  ”Dalka dowlad dhexe kaligeed ma xukunto, dowladda Xamar ayeey ku kooban tahay, hadii aad aado Hiilweyne waxay ka tirsan tahay Hirshabelle, Jaziirana K/galbeed, dalka dowlad goboleedyada ayaa gacanta ku haya, mas’uuliyad ayaa naga saaran, taas ayaana na fareysa in aanan cidna magan uga noqon, cidna u hoos imaan wixii dan ah ee dowlad goboleedyada leeyihiin iyadoo Dastuurka aan ilaalineyno, dowladda Federaalka annagaa soo dhisnay.” Ayuu yiri gaas

Cabdiwali Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda ay faragelin ku sameysay maamul goboleedyada, qaarkood ay madaxdii xilka ka qaadday, taasi bedalkeedana wuxuu dowladda dhexe usoo jeediyay iny taageerto maamullada.

“Waxaa ka mid ah waxyaabaha jira in faragelin lagu sameeyo dowlad goboleedyada, Hebel baa la tuurayaa mid kale ayaa la tuurayaa, waqti badan ayaa la geliyey in dowlad goboleedyada dhismaan, dowladda dhexe waxaa laga rabaa in dhaqaale ku taageerto fikirna ku taageerto maamul goboleedyada, lama rabo in la carqaladeeyo ama la shideeyo” Gaas ayaa sidaasi yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here