Ciidammada Qalabka Sida Iyo Macalimiinta Dawladda Oo Loo Soo Dadejiyey Mushaharrooyinkoodii Bishan

0
494

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa Mushaharkii Bishan October u qaddintay Ciidammada Qalabka Sida iyo Macalimiinta Dugsiyada Waxbarashada Dalka.

Wasiirka Maaliyadda oo fulinaysa amarka Madaxweynaha Somaliland ayaa Mushaharkii bishan October u soo qadintay ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyada Somaliland Iyo Macalimiinta, maaddaama oo dalku uu u diyaar-garoobayo doorashada Madaxtooyada oo Qorshuhu yahay inay Dalka ka qabsoonto 13-ka bisha November, 2017-ka.

Ciidamada Milletariga, Booliiska, Asluubta, Ilaalada Xeebaha iyo Laanta Socdaalka ayaa dhamaantoodba 19-kii bishan loo sii daayey oo loogu shubay khasnadahooda ay ku leeyihiin Bangiga Dhexe dhamaan Mushaharkoodii, waxaana Ciidammada Booliiska iyo Milletarigu ay qaateen Mushaharkii markii Taliyeyaashoodu ay ka soo laabteen safarkii Madaxweynaha ee gobollada Bariga.

Sidoo kale, maalinta Sabtidii oo bisha October ay ahayd 20 ayaa Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare oo ay hoos-tagaan macalimiinta dalku ay qaateen Mushaharka bishan, halka dhammaan shaqaale-weynaha dawladdana la filayaa in loo sii ,daayo Mushaharkooda Maalmaha soo socda ee gudaha bishan, sidaana waxa  lagu sheegay War Qoraal ah oo Wargeyska Himilo Xalay ka soo gaadhay Bahda Warfaafinta ee Wasaaradda Maaliyadda.

Mushaharka loo soo qaddimay ee la siiyey Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland ayaa ku soo beegmay xiligan oo dalka uu bilaabmay ololaha Doorashadu 21-kii bishan October oo loogu diyaargaroobayo Doorashada Madaxtooyada oo ku beegan November 13-keeda.

Bixinta Mushaharka Ciidamada dalka, Macalimiinta iyo Shaqaalaha Dawlada ayaan badanaa hore u dhici jirin in sidan oo kale loogu soo qaddimo oo ay helaan Mushaharka bisha oo aan dhamaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here