Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasibad lagu saxeexayay heshiis taarikhi ah oo dhex maray Somaliland iyo Khaatumo .
Somaliland iyo khaatumo ayaa wado-hadalo qaatay sannad uu dhex marayay, kaas oo maanta lagu soo gunaanaday Magaalada Caynaba Ee Gobolka Saraar .
Waxaana Heshiiskaasi si wada jir ah u saxeexay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo Iyo Prof Khaatumo Prof Cali Khaliif .
Wadahadaladani oo si weyn labadii sano ee u danbeeyay uga socday dalalka imaaradka, jabuuti, itoobiya iyo Somaliland gudaheeda ayaa maanta kusoo gaba-gaboobay Caynaba. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaamiyaha khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo si wada jira u saxeexay heshiiska ay gaadheen labada dhinac ayaa waxa hadalka qaatay Prof: galaydh oo si weyn u sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska maanta lagu kala saxeexday caynaba, waxa uu sheegay Galaydh in dastuurka Somaliland oo la furaa yahay dawladda kaliya ee reer Sool, iyo Sanaag bari isagoo ballan qaaday inuu heshiiskaasi sida uu yahay uu u fulin doono.
Murashax Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in u wada hadalladan uu kaga mashquulay hawlihiisa shaqo, maadaama uu yahay Murashax, balse uu ku dadaalay siduu uga midho-dhalin lahaa Wada Hadaladan oo muddo-socday, isla markaana ay maanta u taahay maalin-wayn .
Ugu dambayn Madaxweynaha Somalilnad iyo Hogaamiyaha KHaatumo ayaa si wada jir ah shahaado-sharaf u gudoonsiiyay Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, taas oo uu ku muttaystay dadaalkii aan kala joogsiga lahayn ee uu galiyay Wada Hadaladan guusha ku dhamaaday ee dhex maray Somaliland iyo Khaatumo .
Daawo Khudbadda : “Heshiiskan Maanta Dhex Maray Somaliland Iyo Khaatumo Waxaa Uu Dhuxul-dab Ah Ku Noqonayaa Cadawgeena, Intan Somaliland Mideenayay, Labada Xisbi Ee Kale Guryaha Ayay Rinjiyeenayeen Oo Waxay Lahaayen Waa Lanagu Soo Biiray..,” Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Oo Khudbad Taarikhi Ah Ka Jeediyay Madashii Uu Ka Dhacay Heshiiska Somaliland Iyo Khaatumo .