Xildhibaan mubaarig bidhi ayaa kor u qaadey xaraarada ololaha xisbiga kulmiye ee togdheer wuxuuna isku kala bixiyey deegaanada teedsan ee gobolka togdheer isagoo deegaan walba ka furay xafiisyo tirro badan oo u guus gooyey mucaaradka isla markaana ay sas ka qaadeen xawaaraha uu jarayo xildhibaanku oo noqdey muddane uga dhaartay inay cod ka helaan deegaano tirro badan oo gobolka togdheer ka mid ah wuxuuna noqdey shaqsiga kaliya ee bartil maameedka u noqdey xisbiga mucaaradka ah ee waddani sidii ay tashuush ugu furi lahaayeen olole wadde qabad ku noqdey. Waxaana dhamaan deegaanadaa ay marayeen uu kala kulmay taageero ballaadhan oo baaxad weyn waxayna dadkii deegaankaasi ku soo dhaweynayeen cudud iyo deegaan cod yaalo oo kulmiyeysan deegaanada xildhibaan bidhi isku kala bixiyey ayaa ahaa mid dhamaan ka aradan taageerada xisbiga waddani kaas oo aan laga arag hal calan oo waddaniyeysan dhamaan shacabka ku dhaqan magaalooyinkuna waxay muujiyeen sida ay maanta codkooda ugu abaal celinayaan waxqabadkii xukuumadda kulmiye mudadii ay talada dalka haysay oo ay ka marag kaceen inay wax badan gashatay ama ay u qabatay waxaanay xildhibaanka ugu bushaareeyeen inay la dhisayaan murrashaxa xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi una heelan yihiin maanta inay codkooda ku soo saaraan. Xildhibaan bidhi ayaa bulshada uu quluubtooda kasbadey uga mahadceliyey sida ballaadhan ee ay ku soo dhaweeyeen sidoo kal xildhibaanka ayaa bulshada soo dhaweysay ugu bushaareeyey in kulmiye iyo murrashaxa muuse biixi cabdi ay gudidoonan abaalka ay gashadeen. Xildhibaanka oo noqdey shaqsiga kaliya ee ka dhex mudh yidhi guddidii kaambaynka togdheer aa kor u qaadey xaraarada ololaha togdheer isagoo noqdey shaqsiga bartilmaameedka u noqdey waddani maadaama uu isku kala bixiyey gobol weynihii togdheer.