Madaxweyne siilaanyo ayaa jawaab celin ku soo sameeyey dacwadii muranka dhalisay ee agaasime cabdikariin xinif kaas oo xisbiyada mucaaradku ku doodayeen in uu yahay shaqaale dawladeed isla markaana ay ka mabnuuc tahay inuu ku dhex milmo ololaha xisbiyada gaar ahaana xisbiga uu ka tirsan yahay ee kulmiye waxaana warqad dabar ay ku raadinayaan guddida anshaxa ee komishanku inaanu qayb ka noqon ololaha xisbiga kulmiye ku baadi goobayo guusha madaxtooyada waxaanay warqadu u dhignayd sidan
Markaan arkay qoraalka sumadiisu tahay KDQ/XK/130/2017 kuna taariikhaysan 09/10/2017, kana soo baxdey komishanka doorashooyinka qaranka ujeedadiisuna tahay ka qaadis tallaabada sharciga ku haboon,
Markaan arkay, Wareegtada summadeedu tahay JSL/M/WM222.5062/092027, Kuna taariikhaysan 30/09/2017 iyo qodobka 6aad (2) ee sharciga shaqaalahaa dawladda ,sharci Lr: 07/96, qodobka 14aad ee xeerka nidaamka ururrada iyo asxaabta siyaasada ee xeerka Lr. 14/2011. Iyo qodobka 12aad(2)ee xeerka Hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda ee doorashada madaxtooyada. Kuwaasu oo dhamaantood ka rrbaya shaqaalaha dawladda (Civil Servant) in ay xubin ka noqdaan ama loo magacaabo xafiis xisbi siyaasadeed ama ay ka qayb –galaan ololaha doorashada ee asxaabta qaranka , ama ku dhex milmaan hawlaha xisbiyada iyo ololahooda wakhtiga doorashada.
Markaan ku qancay in shaqaalaha dawladu ee aan loo oggolayn ka mid noqoshada asxaabta siyaasadu ay noqonayaan shaqalaha joogtada ah ee dawladda kuwaasi oo hoos imanaya maamulka hay’adda shaqaalaha dawladda.
Markaan ku qancay qodobka 14aad iyo 16aad ee xeerka guddida xakamaynta HIV-AIDSee xeer Lr. 67/2014, kaasi oo dhigaya in agaasimaha fulinta iyo agaasimayaasha kale ee komishanka uu magacaabayo, isla markaana xilka ka qaadi karo madaxweynaha jsl. Sidoo kalena habka shaqaalaynta iyo shaqo ka saarista shaqaalaha hoos imanaya agaasinka fulinta iyo agaasimayaasha kale loo raacayo xeerka shaqaalaha, taas oo noqonaysa in shaqaalaha hoos yimaada xubnaha agaasinka fulintu ay yihiin shaqaalaha joogtada ah ee xafiiska komishanka.
Halkan Waxaan idiinku soo gudbinayaa
- In shaqaalaha dawlada ee aan loo ogolayn ka mid noqoshada iyo ka qayb- qaadashada ololaha asxaabta siyaasaddu ay yihiin shaqaalha joogtada ah ee dawladda.
- In agaasimaha fulinta iyo agaasimeyaasha kale eekomishanka qaranku ee xakamaynta AIDS-ku ayna ka mid ahayn shaqaalaha joogtada ah ee lagu maamulayo sharciga shaqaalaha dawladda.
Waraaqdan madaxweyne siilaanyo kaga jawaab celiyey falkii guddida anshaxa ayaa ah mid jahwareer ku ridey rajadii xisbiyadu mucaaradku ka qabeen ololaha.