Xuska 33 Guurada Shuhaadada SNM Oo Shalay Lagu Qabtay Hargeysa & Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Farxisay Mujaahidiin Ka Qayb-galay

0
647

Waxa Shalay Magaalada Hargeysa lagu xusay 33 Guurada ka soo wareegtay Maalinta Shuhaadada SNM oo Sanad kasta la xuso 17-ka Bisha Octobar.

Xaflad si wanaagsan oo loo soo agaasimay oo lagu weynaynayo 33 Guurada Shuhaadada SNM isla-markaana lagu qabtay Hoolka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiin ay ka mid tahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, Guddoomiye ku-xigeenka Jimciyadda Mujaahidiinta SNM iyo Mujaahidiin badan oo ka mid ahaa ururkii SNM oo ka qayb-galay

xuska 17-ka October Shalay.

Guddoomiye ku xigaanka Jimciyadda Mujaahidiinta SNM ee SOOYAAL mujaahid Maxamuud Cabdi Xasan (Quule), oo ugu horreyn halkaa ka hadlay, ayaa  tafaasiil ka bixiyey duruufaha mujaahidiinta iyo xuska maalinta Shuhadada, waxaanu yidhi “Inkasta oo aanay inoo imanin madaxdii saddexda xisbi qaran, haddana waxaynu qabsanay munaasibaddii ugu quruxda badnayd ee xuska maalinta shuhadada SNM, 17-ka October waa maalin ay gaar u leeyihiin Mujaahidiintu. Wakhtiyadii hore marka xuskan la qabanayo waxa aanu samayn jirnay garamaan iyo calamaan iyo waxyaabo la mid ah, maanta waxbaanu ka badalnay arrimihii oo nimankii mujaahidiinta ahaa awal garamada la siin jiray aanu siino xoogaa yar oo aanu kaga farxino nimankaa mujaahidiinta ah ee naafada ah. waxaanu arrintaasi uga mahadnaqaynaa marwo Samsam Cabdi Aadan Wasiirka maaliyadda Somaliland oo runtii marwalba hiil iyo hooba nala barbar taagan, waanu u ducaynaynaa marwo Samsam Ilaahay ha ka Jazaa’i siiyo”.

Waxa kale oo iyaduna halkaasi ka hadashay  Mujaahid Yurub Abiib, taas oo ka warbixisay xuska maalinta shuhadada iyo waxyaabaha ku cusbaa munaasibadii Shalay, waxaanay tidhi  “Xuska maalinta Shuhadada SNM ee 17 October  run ahaantii waxay i galisaa xasuus dheer iyo qiiro gaar ah, Ilaahay ha idinka jazaa’i siiyo juhdigii iyo halgankii dheeraa ee aad u soo gasheen dib u xoraynta dalka, intii dhimatay Alle ha u naxariisto intiina noolna nolol fiican baan idiin rajaynayaa, kolay ciil iyo cidhiidhi ma qabno kol haddaanu gumaysi ina haysanin oo aynu Maanta xor nahay oo aynu calankeenii Tawxiidku ku qornaa aynu gacanta ku wada haysano guul baynu gaadhnay, mid kalena waxaan jeclahay inaan xuso oo barigii hore xusaskeena ciyaal iskuul baa la keeni jiray, balse maanta arintu sidii way ka duwan tahay oo maanta in ka badan 200 mujaahid oo halgankaas kasoo qaybqaatay ayaa halkan iskugu timid, inkastoo sidii la doonayey aan looga soo qaybgalin munaasibaddan  haddana inagu taariikhdan inagaa leh oo marwalba waynu xusi doonaa oo ka daali mayno oo hadii aynu labaatan noqono waynu sii yaryaraanaynaaye waynu xusaynaa oo maalintan inagaa leh ee aynu caruurteena barno taariikhda SNM si ay u fahmaan wixii dalkan loo soo maray, isla markaana nin walowba afar caruurtaada ka mid ah ama shan ka mid ah soo kaxayso, markaa waxaan ku dardaarmayaa aynu xuskeena sii kordhino bacdamaa aynu inagu leenahay maalintan 17-ka October”.

Marwo Yurub Abiib iyadoo hadalkeeda sii wadata, waxay intaasi raacisay “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Samsam Cabdi Aadan oo aanay taariikhda Somaliland ilaawi doonin oo ah gabadh baal-dahab ah kaga suntan iyadoo ay wasiiradda kale ku dhici waayeen inay kasoo qaybgalaan xuska maalinta shuhadada SNM ee 17 October, sidaad ogtihiin SNM-ta waa la wada sheegtaa oo qof aan waligii maalin halgankaa waxba ku darsanin ayaa marka mujaahidnimo lasoo hadalqaado ku odhanaya mujaahid baan ahay, waxaan leeyahay ninkii mujaahid ah halkan baa laga arki lahaa oo  uu joogi lahaa haddii uu mujaahid yahay. Samsam Cabdi Aadan waa mujaahidad ku suntan taariikhda SNM, anaguna haddii ay mar Samsam Cabdi Aadan joogto xuska 17-ka October anagu Wasiirrada waxba ugama baahnin, ka dumar ahaana 150-ka wasiir ee golaha wasiirrada Somaliland ku jira Samsam baa nooga qaalisan oo xuskayaga ayey kasoo qaybgashaa oo way iskaayo barbar taagtaa marwalba.”

Ugu dambayn,  waxa munaasibadaasi soo xidhay oo halkaasi ka hadashay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaana ka mid ahaa hadalkeedii “Ilaahay baa mahaddaa iska leh in joojiyey inagoo dalkeenii xor yahay oo wixii halkan ka dhici jiray aanay maanta ka dhacaynin, oo wakhtiga aad doonto aad magaalada mari karto oo waxa aad doonto aad dhisan karto Ilaahay mahadi ha ka gaadho, waxaynu u ducaynaynaa dadkii inoo soo halgamay ee inoo soo dagaalamay intii dhimatay Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo inta noolna Ilaahay nolol wanaagsan oo cisi iyo sharaf leh ha siiyo”.

Wasiir Samsam oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay  “Horta aniga Madaxwaynaha ayaa isoo diray oo Madaxwaynuhu maalin kasta oo munaasibad SNM ahi jirto wuu la socdaa, maanta waxa uu igu yidhi xoolo ha loo qalo oo Maanta casuumad wayn ha loo sameeyo mujaahidiinta inta xasuusatay ee kasoo qaybgashay ee xasuusatay xuska maalinta shuhadada SNM, markaanu la tashanay mujaahidiinta waxay yidhaahdeen u qali mayno ee lacag ahaan ha lagu siiyo woxooga yar oo albaabada ayeynu xidhanaynaa inteena halkaa fadhida waxay inoo gaadho ayeynu u qaybsanaynaa”.

Maalinta Shuhaadada SNM ayaa loo asteeyay  in Sannad kasta la xuso 17-ka Oktoobar, taasi oo ku beegan 1984-kii oo ahayd Maalintii uu Ciidammadii SNM ka Geeriyooday Mujaahid Lixle oo hoggaaminayey Ciidamo Dagaal Qadhaadh Ciidammadii Soomaaliya kula galay Burco-duuray oo ka mid ah Deegaanka Rabaso ee gudaha Dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here