Xirsi Cali Oo Ka Hadlay Heshiiskii Burco Ee Seexanwaaga Ku Ridey Iyo Weedho Uu Madaxda Dhaqanka Ku Durey Oo Farxad Galiyey Xulufo Uu Watto

0
1104

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa markii ugu horaysay ka hadlay heshiiskii dhex maray Saladiinta Beelaha Bariga Burco iyo Gabiley isla markaana ay ku dhawaaqeen cod iyo cudud ay ku dhisayaan murashaxa xisbiga Kulmiye iyo xisbiga Muxaafadka ah.

Hogaamiye Xirsi arintaasi waxa uu ku tilmamay qabyaalad iyo jaahilnimo xisbiga Kulmiye kaga duwan yahay xisbiyada Kale waxaana sidoo kale uu madax dhaqmeedka beelaha Bariga Burco iyo Gabiley uu ka soo qaaday laba qof oo meel soo istaagay waxaana isaga oo ugu horayn ka hadlayaa uu yidhi.  “Xisbiga Kulmiye waxa uu iibinayaa wuxuu leeyahay waa laba beelood beelihiina aqoonyahankisii iyo xoogiisii waa kuwan hada waxa uu leeyahay beelaha aanu ka midka nahay ee xoogaasi ka midka yahay ee aqon yahankaasi ka midka yahay ee rug cadaaga I dhinac taagan Ismacil Yare uu ka mid ka yahay dhinaca kale waxa iga taagan Abiib Tima-cad oo ilaa iyo SNM ragii ugu horeeyey ee talaabay ka mid ahaa dawladihii dalka soo maray oo dhan qayb ka ahaa qiimaha ay bulshadu ku leedahay Kulmiye ayey muujinaysaa inaanay dadkaasi u qiimaysnayn.”

Sidoo kale Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu madax dhaqmeedka Somaliland gaar ahaan beelaha Madaxweyne Siilanayo iyo Murrashax Muuse Biixi uu ugu baaqay inay nabada qaranka ka shaqeeyaan. “Kulmiye laba oday ayuu isu keenay waxaan leeyahay odayaasha dhaqankiina waanu ogol nahay nabada ku taliya ayaan leenahay waanu tartamaynaa tartankana waxa inooga hadhay 20-casho tartanka 20 casho ka dib waa la kala badinayaa cid guumoomaysaa ma jirto Somaliland waxa ay codkeeda ku muujinaysaa cida ay doorato cida ay doorato ayaa insha allah talinaysa.”

Ugu danbayn Xirsi Cali Xaaji Xasan isaga oo caayaya dadka kala duwan ee labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid taageerayaasha u ah waxa uu yidhi. “waxa tartamaya beelo iyo dhalinyarnimada iyo xooga oo la muujiyo waxa tartamaya qabyaalada iyo qaranimada aqonta iyo jahliga ayaa tartamaya waxaan ogahay hada dafiri mayo inay aqoonyahan joogaan laakiin aqoon yahanka Kulmiye jooga wuu ku cuna duuban yahay.” Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here