Shabeel Lagu Fuliyey Dil Ay Maxkamadi Ku Xukuntay, Markii Uu Dhowr Qof Cunay

0
435

Shabeelka oo afar Qof hore u dilay ayaa sabtidii lagu arkay Galbeedka gobolka Maharashta.

Maxkamad ayaa amartay in la dilo ka dib markii la sheegay in uu dad cun noqday.

Xayndaab koronto ku xidhan tahay oo meel beer ah ku yaalla ayaa lagu eryey si ay u qabato una dhinto, sida ay sheegtay laanta duur-joogta ee Hindiya.

Dadka u dooda xuquuqda duur-joogta ayaa isku dayey in ay difaacaan shabeelka oo lagu xukumay in aragti lagu toogto, 23-kii June. Balse maxkamad kale ayaa Toddobaadkii hore taageertay go’aanka dilka.

Shabeelka waxaa la qabtay bishii July, ka dib markii uu laba qof ku dilay afar kalena ku dhaawacay weerar uu ku qaaday deegaan ka tirsan magaalada Brahmapuri, ee gobolka Maharashtra ee Dalka Hindiya.

Balse, waxaa sii daayay laanta ilaalinta shabeellada, laba qof oo kale ayuuna dilay ka dib markii la siidaayay.

Dr Jerryl Banait, oo diidan go’aanka maxkamadda ayaa Toddobaadkii la soo dhaafay, BBC-da u sheegay in uu racfaan ka qaadan doono xukunka maxkamadda sare.

Dadka u dooda xuquuqda duurjoogta waxay sheegeen in ay wanaagsanaan lahayd in deegaan kale la geeyo shabeelka. Laakiin cabsi badan ayay dadku qabaan.

Hindiya waxaa ku nool boqolkiiba 60, shabeellada caalamka, taas oo halis ku ah deegaamada sii badanaya iyo ugaadhsatada sharci-darrada ah.

Sidoo kale, waxaa dila shabeelka dad u dhoofiya Shiinaha oo dadkiisu daawo ka sameystaan.

Ka dib markii la degay meelihii ay ku noolaayeen, shabeelka wuxuu dadka kula dagaallamaa khayraadka, sida biyaha, taas oo sababta geeri.

Dilka Shabeelka ee Hindiya ayaa sare u kacay dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Sanadkii 2015-kii, waxaa la sheegay in 80 shabeel la dilay, sanadkii ka horeeyayna 78 shabeel la dilay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here