Murrashaxa WADDANI Oo Markii Ugu Horaysay La Hadlay Somaliya Uguna Baaqay Inay Dhistaan Isasudhanta Somaliyadii Cududa Lahayd Iyo Mawqifkiisi Soomaaliweyn Ee Huursanaa Oo Dheyda Ka Cadaadey

0
948

Murrashaxa Jagada Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa markii ugu horaysay fariin u diray Dawladda Somaliya uguna baaqay shacabka somaliyeed inay dib u dhisaan dawladoodii cududa lahayd iyo Somaliwayntii gacmaha is haysatay waxaana uu sheegay inuu canbaaraynayo kooxdii ka danbaysay qaraxii Magaalada Muqdisho gil gilay.  Cabdiraxman Cirro waxa uu sheegay inuu ka murugaysan yahay dawlad la’aanta Somaliya ka jira waxaana uu maamulada isku khilaafsan Somaliya ee qaarkood xilalka laga qaaday uu ugu baaqay inay khilaafka dhexdooda iska dhaafaan isla markaana dhisaan dawladii dhexe ee Somaliya waxaana uu yidhi. “Waxaan tacsi u dirayaa dadkii halkaa ku halaagmay ILLAAHAY ha u naxariisto ehelkooda iyo muslimiinta iyo somalidaba ILLAAHAY samir iyo iimaan haka siiyo aniga oo aad uga xun wixii meeshaasi ka dhacay waxa cida waxaasi ka danbaysa ku canbaaraynayaa ereyo culus waxaan leeyahay waxaasi dhaqan Somali iyo dhaqan islaam midna maaha intii ku dhimatay ILLAAHAY ha u naxariisto wixii dhaawacmayna illaahay caafimaad ha siiyo maamulada meeshaasi ka jira waxaan ugu baaqayaa inay fadhiga ka kacaan o nasiib darada joogtada ah wax ka qabtaan khilaafkoodana gees iskaga dhigtaan.”Cabdiraxman Cirro sidoo kale isaga oo ka hadlaya shaqooyinka Somaliland waxa uu sheegay inuu joojinayo dadka ajaanibka ah ee qabanaya shaqooyinka ay qaban karaan dadka muwaadiniinta ah waxaana uu yidhi. “shaqooyinka Muwaadiniintu qaban karayso kuwo ajaanib ah dibada looga keeni maayo ma jirayso shaqaale dibada laga soo qorto oo qabta shaqooyin dhalinyarada Somaliland qaban karayso waxay xukuumadaydo deeq waxbarasho siin doontaa boqolka arday ee ugu sareeya sanad kasta xukuumadaydu sanadka labaad ilaa sanadka sadaxaad laba boqol ayey gaadhsiin doontaa deeqaha waxbarashada.”

Ugu danbayn Cabdiraxman Cirro waxa uu sheegay inuu helayo xogta dadka tahriibiya dadka Reer Somaliland isaga oo sidoo kale sheegay inuu yurub iyo Suudaan xidhiidh kala samaynayo joojinta arintaasi waxaana uu yidhi. “waxaan helaynaa xogta kooxaha wax tahriibiya dhalinta ka macaasha iyo shirkadaha lacagaha u xawila intaba shaqana aan ka qabano sidoo kale wadamada Yurub iyo Suudaan waxa aan ka hawl galaynaa sidii aafadan ay wax noogala qaban lahaayeen.” Ayuu yidhi Cabdiraxman Cirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here