Mujaahid Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Qoraal Dareen-dhaliyey Oo La Wariyey In Mujaahid Axmed Mire Baahiyey

0
1641

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbul-xaakimka KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay dhawaaq la sheegay inuu ka soo yeedhay Mujaahid Axmed Mire Maxamed oo ka mid ahaa Xubnihii Caanka ah ee SNM ka mid ahaa, kaasi oo Xilligan ku nool Dalka Ingiriiska.

Qoraal la sheegay in Mujaahid Axmed Mire qoray isla-markaana uu KULMIYE iyo WADDANI ku soo kala dhawaystay, ayaa Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ka dareen-celiyey, waxaanu u soo jeediyey Mujaahid Axmed Mire in isaga iyo Mujaahidiintii SNM looga baahan yahay inay iska ilaaliyaan wax kasta oo xumayn kar Taariikhda SNM.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee KULMIYE oo arrintan kaga hadlay Munaasibad uu Shalay Xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyay taageerayaal ku soo biiray, ayaa yidhi “Mujaahid Axmed Mire Maxamed Nuux wuxuu ka mid yahay Raggii Dalka u soo Halgamay ee u soo dhaawacmay ayuu ka mid yahay, markaa waa marka u horreysa ee Ixtiraamkiisa hala siiyo, Waayo? Dalka Taariikh ayuu ku leeyahay. Axmed waxaan leeyahay Dalkan waynu u soo halganay, raggii u soo dhaawacmay baad ka mid tahay, Anigu kuwaas ayaa ka mid ahay.”

Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Axmed Mire waxaan leeyahay aad baa la inoo eegayaa ee wax Taariikhda innaga xumeeya Adiga, Aniga iyo Ragga kaleba aynu ka fogaanno, Waayo? Qof caadiya Raggii soo halgamay ma noqonayaan.”ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here