Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharma’arke Geelle oo warbaahinta iskugu yeedhay ayaa markii u horaysay amaro kala duwan waxa uu dul dhigay shaqaalaha Dawladda iyo sidoo kale agaasimayaasha guud ee ku dhex milmay ololaha kaanbaynka xisbiyada.
Waxa uu cadeeyey in si rasmi ah shaqada looga eryi doono Shaqaalaha lagu dhex arko shirarka ama astaamaya xisbiyada qaranka sidoo kale waxa uu sheegay in warqad ay u qori doonaan Madaxweynaha Somaliland Agaasimaha guud ee lagu dhex arko isaga oo ku dhex jira ololaha iyo siyaasadda xisbiyada Somaliland.
Ugu Horayn Sharma’arka Geelle waxa uu amaro dul dhigay Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda waxaana uu yidhi. “Mudanayaal sida aad la socotaan dhawaan waxa bilaami doona Ololihii Doorashada ee xisbiyada qaranku ugu tafo-xaydanayeen kursiga dalka ugu sareeye adeege meel aad joogtaba fariintan aan kuu soo diraynaa waa dar daaran waana digniin aniga oo tixraacaya xeerka shaqaalaha Dawladda aniga oo tixraacaya xeerka doorashooyinka qaranka aniga oo tixracaya waregtadi u danbaysay ee madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland meel aad joogtaba waxa laguu soo dirayaa inaad ka fogaato hawlahaa dhawaan bilaamaya Sharciga Shaqaalaha ayaa waxa uu kuu damaanad qaaday in Dawlad ama xisbi kasta oo yimaadaa shaqadaada aanay waxba yeeli Karin inaanu ku taaban Karin ilaa adigu aad qalad la timaado isbedelka qarankan ku dhacayaa adiga kuma saamaynayo sidaas ayaan laguugu ogolayn xubin loolanka iyo laacdanka ku dhex milma marka 1aad waa kuu digniin marka labaad waa ku shaqo ka saaris qaranka shaqadiisa banaanka lagaaga saaro hadii lagugu arko astaamaha xisbiyada qaranka. Calankooda, buugooda, iyo shirar doceedyadooda dhamaantood marka 1aad waxa laguu soo saarayaa digniin kama danbayn ah marka labaadna waa eris shaqada qaranka ka baxaya ayaad tahay waxa laguu sheegayaa in siyaasadda iyo shaqada qaranku aanay ahayn laba is gala hada ogow laba gardaaqa iyo laba godlaynta iyo laba geed gurashada midna laguuma ogola wareegtadii Madaxweynaha dhulka u dhici mayso.”
Sidoo kale Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland waxa u sheegay in agaasimayaashu la mid yihiin shaqaalaha isla markaana Agaasimaa lagu arko ololaha xisbiyada ay u gudbin doonaan warqadiisa ugu danbaysa madaxweynaha Somaliland. “Agaasimayaasha guud ee qaranka ee Madaxweynuhu magacaabo sida uu sharcigu dhigayo waa shaqaale dawladeed oo umada u adeega iyagana waxan ugu baaqayaa inay siyaasadda ka baxaan oo ay shaqadooda ku eekaadaan marka 1aad waxa loo dirayaa digniin marka labaadna Madaxweynaha waxaan u diri doonaa inuu talaabo anshax ka qaado oo uu shaqada qaranka ka saaro oo uu siyaasi ka dhigo.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland.