Golaha Guurtida Oo Dardaaran Culus U Soo Jeediyey Musharraxiinta Xisbiga, Shacabka Iyo Warbaahinta Somaliland

0
561

– Golaha Guurtida Somaliland, ayaa dardaaran u soo jeediyey Musharraxiinta Xisbiyada Qaranka, Shacabka iyo Qaybaha kala duwan ee Saxaafadda, waxayna kula taliyeen in Qof kastaaba uu dhankiisa Xil iska saaro ilaalinta Amniga iyo ka hor-tagidda wixii dhibaato keenaya.

Guddiga Joogatada ah ee Golaha Guurtida oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xaruntooda Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Musharraxiinta Saddexda Xisbi Qaran ay iska daayaan Hadallada Xanafta leh ee ay Warbaahinta isku marinayaan, si aanay u kala dilin Shacabka Walaalaha ah, maaddaama oo Kursiga ay ku tartamayaan uu midkood ku guuleysan doono, kaana uu Alle hore u sii qoray.

Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo ugu horreyn ka hadlay Shirkaa Jaraa’id ayaa yidhi “Shacabku waxay xaq u leeyihiin in Qof walba Xisbiga uu doono uu Codkiisa siiyo, laakiin Danta innaga dhaxaysaa waa inaynu wada ilaashanno, oo deegaan walba Dadka wada degani ay Nabaddooda ilaashadaan. Waa ogtihiin Jaararkeena waxa ka dhacaya iyo Nimcada aynu innagu ku jirno (Somaliland), haddii dhibaato timaaddo Cid gaar ah ku joogsan mayso, markaa waxaanu Shacabka Somaliland u sheegaynaa waxaynu galaynaa xaalad Xaasaasi ah oo Rag baa tartamaya, markaa Qof walba halkiisa haka xasuusnaado Nabadgalyada.”

Xildhibaan Muxumed Aw Axmed waxa kale oo uu sheegay “Musharraxiinta tartamaya waxaan leeyahay Kursigu laba ma qaado, ka ku fadhiisanayaana Xagga ILAAHAY ayuu ka qoran yahay, markaa farriinta aanu u diraynaa waxa weeyaan inay Dalkooda iyo Dadkooda u tudhaan, inay si Salmi ah oo wanaagsan u tartamaan, oo hadallada Xanafta leh ee dhibaatada keeni kara ay dhammaantood iska daayaan ayaanu ka codsanaynaa, Waayo? hadday Xumaato Nin wanaag helayaa ma jiro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Bahda Saxaafadda “Saxaafadda waxaanu leenahay waxaad tihiin Middi laba Af leh, Dalkiina intaad ilaalin kartaan, intaad u tudhi kartaan, intaad xumaanta dhowri kartaan dhowrtaan ayaanu idinka codsanaynaa..”

Xildhibaan ka mid ah Guddiga Joogtada ah ee Guurtida oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Musharraxiinta Xisbiyada waxaanu leenahay Waar Dadka Codka kaga doona si Daah-furan oo Ilbaxnimo ah ee hakaga doonin Qabyaalad iyo Reer Hebel baanu nahay.”

Xildhibaanku waxa uu ka digay in Cadowgu ka faa’ideysto Hadallada Naxliga ah ee Musharraxiinta iyo Taageerayaashoodu Warbaahinta isku mariyaan “Codka ha lagu doono si is-xaq siin ah, si dhibaato aanay innoogu imanin, Waayo? Dad badan baa jira oo Xumaan doonaya, oo doonaya inay ugu dhuuntaan ololaha Doorashada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ninka Siyaasiga ahi Saddex boqol oo Qof oo dhinta wuxuu ka jecel yahay Kursiga oo uu ku fadhiisto.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here