Musharraxiinta Xisbiyada Qaranka Somaliland, ayaa Siyaabo kala duwan uga hadlay Diyaar-garowga Doorashada Madaxtooyada ee haddii Alle yidhaahdo 13-ka bisha November, 2017-ka.
Musharraxiinta Xisbiyada KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, UCID Faysal Cali Waraabe iyo WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo habeen hore kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland isla-markaana dhegaystay dardaaran uu Madaxweynuhu u soo jeediyey, ayaa hadallo Saddexda Musharrax ka soo jeediyeen waxay ku sheegeen inay qaadanayaan dardaaranka Madaxweynaha ee ah inay Nabadgalyada ka shaqeeyaan, si Mudakarnimo ahna u tartamaan, laakiin Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka dayriyey in Qabyaaladda oo Dalka meel sare ka maraysaa ay khatar ku keeni karto Amniga Dalka iyo Go’aan-qaadashada Musharraxiinta Xisbiyada.
Musharraxa Madaxweynaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ugu horreyn kulankaa ka hadlay ayaa yidhi “Dardaaranka Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale waanu qaadanaynaa, waxaanan rejaynayaa in Doorashadu innagu qabsoonto si nabadgaly ah, si Nabadgalyo ahna inoogu dhamaato. Hadalkii Faysal haddaan Raaco, Madaxweyne malaha waxa inoo hadhsan laba Wareegto, mid Maayarrada ku saabsan iyo mid Wasiirrada ku saabsan.”
Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ballan-qaaday in Xisbiga iyo Taageerayaashiisuba qaadanayaan isla-markaana fulinayaan Talooyinka Madaxweynaha, waxaanu yidhi “Mudane Madaxweyne, dardaarankii Adiga iyo Madaxda kaleba aad noo soo jeediseen ee dhaxal-galka ahayd, ee Aayo ka talinta Qaranka ahayd, Xisbiga KULMIYE haddaanu nahay iyo Taageerayaashiisaba waanu qaadanay, waanuna fulinaynaa haddii Alle yidhaahdo. ILAAHAY nagama dhigo Waayeel lagu waaniyo Wanaagga iyo Xumaanta ka fagow, intii aad tidhaahdeen waanu qaadanaynaa oo Annaguna waanu dareemaynaa. Waxaan arkayaa in Somaliland sidii uu horeba ugu suurto-gelin jiray ay inoogu qabsoomi doonto Doorasho Nabad ah, Musharraxii guuleysta lagu Hambalyeeyo, innaga oo wada-jirna oo Midaysan oo Dalkeena iyo Danteena aynu u midaysannahay Doorashadaas aynu ka bixi doono, sidaas ayaan aad iyo aad u aaminsanahay, ILAAHAYNA ka rejaynayaa.”
Ugu dambayn, Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo gebogabadii halkaa ka hadlay, ayaa muujiyey dareen ka duwan ka labada Musharrax ee kale, waxaanu sheegay in Sannadkii 2003-dii ay isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo aqbaleen Natiijada Doorashadii Madaxtooyada ee uu helay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Sababta ay u aqbaleena ahayd in iyagu ahaayeen Musharraxiin Go’aankooda leh, laakiin Doorashadan ay Musharraxiin u yihiin Qabaa’il, waxaanu yidhi “Aniga iyo Siilaanyo waxaanu aqbalnay Natiijada Doorashadii 2003-dii, Annaga ayaa Musharraxiin ahayn, laakiin Maanta Qabaa’il ayaa Musharraxiin ah. Muuse iyo Cabdiraxmaan hadday Doorashada waayaan Reerahooda ma xakamayn karaan, Waayo? Wakhti horeba way daadiyeen Siidhkii Kacdoonka samaynaysay, markaa inay ILAAHAY barino iyo inay Maanta talo inoo taallo, ILAAHAY aynu barino, laakiin Jewi nabadeed meesha ma jiro. Aniga Reerkaygii waalla iibsaday, markaa meeshan Jewi xun baa yaalla ee Madaxweyne yaan laguu Suubaa-salaaxin, Waayo? meel inoo fayow ma jirto. Kolley Annagu waanu baranay, markaa ama ha boobaan ama yaanay boobin ee hadday wax helaan (Labada Musharrax Midkood) waanu iska ogolaan doonaa, markaas Anigu Dalka waanu ka tagi doonaa, oo waxaan noqon doonaa Taqi.”
Musharraxa UCID, waxa kale oo uu sheegay “Aniga iyo Siilaanyo waad ogaydeen wixii dhibaato na soo maray, laakiin idiinkoo Layli ah haddaad tidhaahdaan markiiba waanu helaynaa, markaaba lama helo ee horta soo dhaca, Waayo? Anigu laba jeer baan dhacay, Siilaanyo-na mar buu dhacay, markaa waad dhacaysaana iska ogolaada haddii Alle yidhaahdo.”ayuu yidhi.