Qoysas wali ku jahwreersan baadigoobka dad ay Ehel yihiin oo ugu war danbeysay Sanqadha Qaraxii Muqdisho Iyo Tirrada Dhimashada Oo Kor U Dhaaftay 237 Qof

0
747

Qoysas badan oo ku dhaqan caasimada Muqdisho ayaa wali ku jahwareersan xogta iyo halkii ay ku danbeeyay dad Ehel yihiin oo ugu war danbeysan iyaga oo ku sugnaa maalintii shalay Isgoyska Zoobe ka hor inta uusan Qaraxu dhicin.

Kumannaan dadweyne ah ayaa wali ku sugan hareeraha Isgoyska Zoobe kuwaa oo ka codsanaya ciidamada dowladda in loo fasaxo in ay gudaha u gallaan bur burka dhismayaasha soo dumay bal si ay uga baadigoobaan dad wali ka maqan oo nolal iyo geeri mid lagu ogeyn.

Dadka qaar ayaa la sheegay qaraxu dhacay iyaga oo ku sugan gudaha goobahooda ganacsiga, waxaana laga cabsi qabaa in ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.

Sidoo kale waxaa jira dad iyaguna la socday gadiidka dadweynaha oo markaa goobta marayay kuwaa oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay ku danbeeyeen.

Afar gabdhood oo walaalo ah ayaa la sheegay in wali lagu la yahay qaraxii shalay oo aan wali la helin meydkooda, laakiin qof ay qaraabo dhaw yihiin ayaa sheegay in ka hor inta uusan qaraxu dhicin in ay kala soo hadleen Isgoyska Zoobe.

Dadka qaar ayaa rajo ka qaban in ay jirin karaan dad nool oo laakiin ku dhax xayiran dhismayaasha isku dul bur buray hoostooda waloow arrintaa ay noqon karto mid dhif iyo naadir ah.

Qaraxii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku reebay dadka reer Muqdisho saameyn xun oo dhinaca maskaxda ah marka la eego muuqaalka dadka goobta ku geeriyooday oo aan la kala saari karin rag iyo dumar, carruur iyo dad waaweyn midka uu yahay qofka meydka ah ee goobta yaala

Inkastoo dowladda federaalka aysan wali soo saarin tirkoobka rasmiga ah dadkii ku dhintay qaraxii maalintii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ayaa haddana dhinaca kale qaar ka mid ah Agaasimayaasha goobaha caafimaadka waxaa ay xaqiijinayaan tirada rasmiga meydadka la soo gaarsiiyay goobahooda caafimaadka.

Ku-xigeenka koowaad ee gollaha Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed [Abshir Boqaari] ayaa sheegay in Agaasimaha Isbitaalka Maxamed Yuusuf uu u sheegay in isbitaalka Madiina oo kaliya la dhigay meydadka dad gaaraya 220 ruux.

‘’Agaasimaha isbitaalka Madiina waxaa uu inoo sheegay in la gaarsiiyay isbitaalka meydadka 220 ruux oo ku dhawaad 130 ka mid ah ay adag tahay in la aqoonsado muuqaalkooda’’ ayuu yiri Abshir Buqaari.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay jiraan meydad kale oo la dhigay isbitaalada Muqdisho sida isbitaalka Digfeer oo ka mid ah goobaha caafimaadka ee lagu dabiibayo dadka ku dhaawacmay qarxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay xaqiijinta tirkoobka saxda dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qarxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here