Xisbiga waddani ayaa miciin bidey inay soo dhabar taabtaan mujaahid Axmed Mire oo saraakiishii Snm ahayd waxaana qoraal abtirsiin ah uu kula garab istaagay murrashax cirro oo ay isku abtirsiin yihiin kaas oo ku nashuushadeynayo doorashada dalka qoraalka oo ahaa mid dhitooyin lagu wiiqayo nabad galyada ay ka muuqatay ayaa badhtilmaameed ka dhigtay murrashaxa kulmiye muuse biixi wuxuuna sheegay in haddii la doorto nabad galyada dalku lumayso halka murrshaxa ay isku haybta yihiin ku tilmaamay mid dalku u baahan yahay . wuxuuna qoraalkiisu u dhignaa sidna Muddo dheer maan soo gelin saxaafada . Somaalidu waxay tidhaahdaa wax aanad hurayn horaa loo yeelaa. Markaan arkaay in wadankii meel adag maraaryo oo jiritaankisii daawaha saaran yahay, ayay ila noqotay inaan dadkayga la wadaago maqaalkan. Sayid Cumar wuxuu yidhi waxaan ugu jeelahay inaan dadka wanaaga faro xumahana ka reebo, xaqana hadduu qadhaadh yahay aad sheegto oo caddayso. Muddo badan ayaan dalkayga dusha ka eegaayey dhowaana waan tegay waxaan u kuur-galay dhammaan waxyaabaha ka jira. Waxa ii muuqatay inaan Caqligii wali ka korin qabyaalad, qolo jeclaysi iyo qabiil ku duudsi walalkaa, hadduu dad ugu wacan yahay. Arrintaasi waxay iigu uuqatay in la moodday guul lagu faa’iiday amaba oo ay Distoorkii dalka ku qoran tahay, Xeer oo dhan ay ka mudan tahay. Horumarkiina hirdan beeleed iyo shakhsi naaxin ayaa loo bedelay oo dulmi badan ayaan arkay. Caqligii ma korin, laakiin cirro uun baa korodhay, dadkii wax uma kordhin wixii la soo maray waaba la ilaabay. Faan, isla bax , isla waynaan, iyo aniga iyo naftayda cid kalena waxba igama gelin iyo dhaqan burbur ayaan soo arkay. Dhaqaalihii dalka waxa loo isticmaalay sidii hantida shakhsiga ah oo waliba aan loo midaan-dayayn, kan ku soo dhow, kana cuna qabatay, labadan isku dir oo kala fogeyn been fiddin iwm. Dadkii dabaqado xaaraan ku dhisan ayaa loo qaybiyey. Cadaalladii geed dheer ayaa lagu laalay, nin kula qolo ah iyo hanti nin leh ayaa sharciga loogu hiiliyaa kan awood lihina wuxuu dadka ugu hanjabaa waan ku xidhi. Xaqii mee, sinaantii meeday, haddii kan baahan ee taagta daran lagu tunto oo uu naxariis waayo meel uu u cararo waayo oo cid xaqiisa uu soo celisa uu waayo cadho Alle ayaynu halis u nahay. Dib u eeg maxaa shalayto laga dagaalamay? Ma xoog baa lagu jebiyey? Libta yaa bixiyay..? ilowshiiya dhowaa ma umul baa! Xorayntii ma iskaa ka kicis bay ahayd mise iska kacsi wixii aad shalay ka cabanaysay hadaad maanta ku faanto ma ceebaa misa waa guul…? Haddii aad bara dheeraysidna maxay muujinaysaa in wixii laga dagaalamaayey aad wanaag u haysatay oo aad tiignaysay maruun taas oo kale samee ee aanad u haysan xumo ay waajib tahay inaad ummada ka badbaadisid ubadka dambana dhaxal-wanaagsan uga tagtid. Waxba yuu hadalku ila durkini waxaan ku soo uurinayaa. Maanta jeegaan qabiil oo horay dad loogu dulmay in dib loo soo celiyaa inama dhaqayso qarana ku dhismi maayo. Taariikhdu ma lunto, raggana waa rag rifena yeelkii. Qabiil waxa magansada nin aan iskii isu taagi karrayn. Waxa ina soo maray waxyaalo u qaadan waa ah, oo lagu cel-celiyo wax qaran dumis ah oo aan faa’iido u lahayn qaranka Somaliland. Ninkii doonaaya in lagu kala tagana Kulmiye ha taagero. Ninkii dadkiisa iyo dalkiisa dani ka haysana WADDANI ha siiyo codkisa Anigu inta aan noolahay waxaan u taaganahay badbaaddada dalkayga horena waan u badbaadiyey markii nin waliba gabaday taliyihii Ciiddammada SNM waan ku waayey, laakiin ciidaydii baan hantay deyrkii laga baqaayey baan jebiyey oo Burcaan hadh cad galay aniga iyo mujaahidiintii xaq u dirirka ahaa maalintaas ayuu Siyaad Bare jabay. iminkana aniga oo intii dalkaasi xoroobay aan xil ka qaban waxaan u taaganahay inaan badbaadiyo dalkayga iyo dadkaygaba sidii ay nabad iyo midnimo Somaliland ugu noollaan lahaayeena ka hawl galo hoganka cusub ee kulmiye siddi uu ku sooo baxay ee jujubka iyo sharcidarrada ahayd waa idiin muuqataa, Maantane wuxuu taageerada ku raadinayaa jeegaan iyo kala qaybin. Maantana waxa la burburinayaa waa Somaliland. Waxaan idiinka digayaa waar dadkii qayb- qaybiyey SNM mujaahidiinteede oo isku dir, kala qoboqob iyo naxliga dhex dhigay oo horseed u noqday dagaalkii sokeeye oo dad badan ku dhintay iyagoo maamul diid ah kuwaasi oo qabyaaladii iyo kala qaybintii ku macaashay ururkii SNM baabiyey maamuladii horena ragaadiyey hantidii ummadana boobay oo maantana sidii hore iyo mid ka xun ku wada dalka ha laga feejignaado maantane waxay wadaan in la baabiyo Somaliliand. waxa aynu haysanaa waa nabadgelyo inaynu ilaashanaa waa waajib. Waxaan leeyahay hoggaan dhaqameedka nabad baa la idiin doortay ee colaad ha ku bedelina inta ku talaabsataana xag illaahay iyo ummadaba way ka dhaceen. Culimaudiinka waxaan leeyahay waar xaqa u kaca oo fitnada ka hor taga.mujaahidiintii horena waxaan waxaan leeyayhay waar toosa oo xaqa sheega oo dalku yuu indhihiina ku hor burburin. Dadka inta damiirkoodu noolyahay guntiga xidha nabada iyo qarankiina ilaashada. Madaxweyne Silaanyana waxaan leeyahay rasuulkii waxyigu ku socday ayaa lala hadli jiray oo la toosin jiray qof aan qaldamiina ma jiro,waad qaldantay markaad Muuse Bixii wadankii dusha ka saartay oo aad ku adkaysatay. Maantana weli adiga ayaa xilka dalku saaran yahay, wixii dalka ka dhaca adigaa ka masuul ah. Waxaan kuu sheegaya, shacbigana ku baraarujinayaa dalka u tudha. Amba Waxaad taageeri doontaa jeeganta wasiirkaaga madaxtooyadu soo dhisay ama waxaad taageeri dimmuqraadiyada qof walba hal cod iyo doorasho xor ah oo xalaal ah wadankana isaga oo mid ah ka tag oo taariikh wanaagsan ku tag.Muddo kooban baa inoo hadhay taariikhduna way qori.